Pages

Wednesday, March 19, 2014

Hargeysa: Baarlamanka iyo Saxaafadda oo isku waafaqay Dhaqan-gelinta Xeer Lr.27/2004


DSC05972Hargysa (GNA)-mudanayaasha aqalka wakiilada Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee saxaafada Somaliland  oo ay hormood ka yihiin ururka SOLJA ayaa isku waafaqay in xukuumada Somaliland dhaqan galiso xeerka saxaafada Somaliland ee xeer no 27/2004.




Sidoo kale waxay labada dhinac isla qaateen shan qodob oo uu ka mid yahay in la sameeyo gudi ka kooban labada dhinac ee wakiilada iyo saxaafada, gudidaas oo daba gasha dhaqan galinta iyo ka shaqaysiinta xeerkaa saxaafada ee xeer no 27/2004




Sidaana waxaa la iskula qaatay kulan maanta ka dhacay Huteelka Maansoor ee magaalada hargaysa kulankaas oo uu soo diyaariyay ururka SOLJA ayna maalgalisay Hay’ada horumarinta dimuqraadiyada ee NED, waxa kasoo qayb galay  7 Xildhibaan oo ka kala socday gudi hoosaadyada golaha wakiilada Somaliland oo uu gudoominayay gudoomiyaha gudida arimaha bulshada xasan cawaale caynaan  iyo 23 weriye  oo ka kala socday xarumaha warbaahinta Somaliland ee madaxa banaan iyo ta dawladaba.




Waxaaana kulankaa lagu lafo guray caqabadaha hortaagan xeerka saxaafada iyo sidoo kale dhibaatada suxufiyiiinta ka haysata xadhiga sharci darada ah ee kusii badanaya saxaafada Somaliland  iyo sababta uu u shaqayn layahay xeerka saxaafada Somaliland  iyo heshiiskii ururka SOLJA iyo xukuumada Somaliland oo ilaa heer madaxweyne gaadhsiisnayd ay ku galeen January 2012 in la dhaqan galiyo xeerkii saxaafada ee 27/2004 iyo arimo kale oo farabadan oo lagu falanqeeyay  kulankaas  kadib Waxaa kasoo baxay shan qodab oo kala ah.




solja7




1.     In la sii xoojiyo xidhiidhka wada-shaqaynbeed ee Golaha Wakiilada iyo Saxaafada xorta ah




2.     In la sameyo Guddi wada jir ah (joint-commitee) oo ka kooban saxaafada iyo golaha oo dabagasha ixtiraamida xoriyatal qowlka iyo dhaqan gelinta xeerka saxaafada




3.     In la dhiiri galiyo dhaqangelinta xeerka saxaafada ee 27/2004  isla markaana aan loo baahnayn in la sameeyo  xeer saxaafadeed  hor leh iyadoo aan kii hore lagu shaqayn .




4.     in Golaha Wakiiladu sameeyo xafiis u gaar ah saxaafada oo ka hawl-gala isku soo dhaweynta labada dhinac




5.     in ay saxaaafadu ixtiraamto kuna dhaqanto xeerka saxaafada ee 27/2004 iyo xeerarka kale ee caalamiga ah ee mihnadooda wanaajinaya. DSC05980 DSC05981 solja 




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com