Thursday, March 13, 2014

Madaxweynaha Somaliya Baarlamanka Japan Codsi u gudbiyay


IMG_3184Tolyo(GNA)-Maarso-13-2014-Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa maanta  booqday  xarunta Aqalka Sare ee Baarlmaanka Dalka Japan isla-markaana kulan la-qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Japan  Mr Masaaki Yamasaki  iyo ku xigeenkiisa Mr  Azuma Koshishu.IMG_3169




Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka dalkan Japan ayaa ku ammaanay Dowladda  Soomaaliya tallaaboyinkii ay qaaday labaddii Sanno ee la soo dhaafay  islamarkaana ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhisidda Aqalka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya.




Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya kana dalbaday inay caawiyaan  Baarlmaanlka Soomaaliya “ Baarlmaanka Soomaaliya howlo xoog leh oo dar-darteeda leh ayuu ku tallaabsada.  waxaannu ka codsanay, Baarlmaanka Japan inay  naga caawiyaan dhisidda Aqalka Sare ee Baarlamaanka” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.




Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  iyo wafdiga la socday oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta  Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guu iyo Dib-udhiska Nadiifa Maxamed Cusmaan ayaa soo indho-indheeyey howlka shirarka ee  Aqalka Sare ee Baarlmaanka dalka Japan.   IMG_3191 IMG_3198