Thursday, March 13, 2014

Cali Guray oo ku Faddeexadoobay Waraysi wacdaro ka qabsadeen iyo sir ka fakatay.Daawo


Waxa uu Waraysiga ku sheegay in Xisbiga UCID dhexdiisa Saluug siyaasaddeed hadheeyay.Daawo




Cali gurayLondon(GNA)-Guddoomiyaha Saddexaad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Xasan (Cali Guray), ayaa iftiimiyay in xisbiga Ucid dhexdiisa Saluug ka jiro.




Cali Guray oo lagula yeeshay London Waraysi xaasaasiya oo Su’aalo uu ka cadhooday lagu waydiiyay, ayaa sheegay in qaab dhismeedka xisbiga wax badani ka dhimanyihiin laakiinse ay u balansanyihiin xalintiisa bisha April.




Siyaasigan oo intii waraysigu socday ka hor kacay Kamaradda, isla markaana wariyihii Waraysanayay daawadeeyaasha ka raali geliyay qaabka Cali Guray uga Jawaabay Su’aalihii la waydiiyay, ayaa ah mid la moodo in loogu talo galay in siyaasigan lagu bahdi dilo.




Halkan ka Daawo Waraysigan oo ah mid noociisu ku cusubyahay Indhaha Bulshada:


http://www.youtube.com/watch?v=y1GGdtQeDWY