Thursday, March 13, 2014

Qarax Dhimasho sababay oo ka dhacay Newyork


qaraxzaNewyork(GNA)-Qarax ayaa  ayaa ka dhacay Bariga Magaalada New York ee dalka maraykanka, waxaana ku dhintay saddex ruux  inta la xaqiijiyay, in ka badan 27 way ku dhaawacmeen.




Qaraxa ayaa ka dhashay cilad ku timi Haan Gaasta lagu Kaydiyo oo ku taala Daanta Bari ee Newyork  ee Harlem, taasoo samaystay qarax xoogan oo Olol iyo qiiq badan sameeyay.




Sarkaal u hadlay waaxda Dab-damiska ayaa sheegay in lagu guulaystay in dabka badankiisii la bakhtiyay.




“hawshii inteedii badnayd waanu dhamaynay, laakiin tani waa Masiibo dhacday, waxaanu ilaa hada raadinaynaa maydad iyo dad kale oo ku hoos jira guriyaha dumay, waxaanu aad uga xunahay qaraxaa dhacay” ayuu yidhi.




Sidoo kale dad goob-joogeyaal ah ayaa sheegay inay cabsi badan soo waajahday markii qaraxu dhacay.qaraxv




"Waxaan maqlay qarax ," Ayuu yidhi Taariq Xamiimi   "Markii aan eegay meesha waxaan arkay baabuur xoog ku socoda dhanka kale ee wadada, waanan naxay waxanan iswaydiiyay waa maxay talow waxa dhacay.




Dhanka kale  Alan Munoz oo ku noolaa dhisme ka fogaa meesha ayaa yidhi “waxaan mar kaliya maqalay gariir iyo boodh aad u badan oo baxaya , laakiin maan garan waxa dhacay, markii boodhkii iyo qiiqii mudo socoday , ayaa waxa yimi  dabdamiskii waday gargaarka”ayuu yidhi.




Saraakiisha gurmadka degdeg ah ayaa sheegay inay ilaa laba Guri oo waaweyni dumeen, kuwo kalena burbur sahlin soo gaadhay.qarax