Pages

Tuesday, March 11, 2014

Madaxweynaha Somalia oo la kulmaya Reysal-wasaaraha iyo Boqorka Japan


Madaxweyne Xasan Sheekh "Halkaan waxaan u joognaa sidii Dowladda Japan aynu uga wada-hadli lahayn caawinta iyo horumarinta dalka”




IMG_2290Tokyo(GNA)-11 Maarso 2014 –-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo  ayaa soo gaaray magaaladda Tokyo  ee dalka Japan.




Weftiga madaxweynaha waxa  garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay  masuuliyiin ka tirsan Dowladda Japan oo uu ka mid ahaa safaiirka Japan  ee Soomaaliya.




Wafdiga Madaxweynaha  oo muddo Afar maalmood ah ku sugnaan doona dalkan Japan ayaa waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta  Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guud  Nadiifo Maxamed Cusmaan.IMG_2346




Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa kulamo la qaadan  doona Ra'iisul Wasaaraha  dalka Japan Shinzo Abe, waxaanay ka wada hadleyaan   xoojinta xiriirka labadda dal iyo sidii Dowladda Japan taageero u siin lahayd Dowladda Soomaaliya.IMG_2363




War laga soo saaray imaanshiyaha weftiga madaxweynaha ayaa lagu sheegay in arrimaha gaarka ah ee ay dawladda Somaliya kala hadlayso Japan ay ka mid yihiin horumarinta horKalluumeysiga, Horumarinta Beeraha iyo sdii tababaro loo siin lahaa xirfadleyda Soomaaliyeed.




"Halkaan waxaan u joognaa sidii Dowladda Japan aynu uga wada-hadli lahayn caawinta iyo horumarinta dalka. Dowladda Soomaaliya  iyo Dowladda Japan xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeya,  dadaal  Dowladdu bixisay ayuuna dib ugu soo laabtay xiriirkii Labada Dal, haddana waxaannu rajeyneynaa in uu sii xoogeysto waana mida iminka aannu ka shaqeyneyno oo ah adkeynta xiiriirkaas"ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.




Madaxweynaha  Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulan la  qaadan doona Boqorka Dalkan Japan waxuuna booqan doonaa Madaxweynuhu Magaaladda Hiroshima iyo meelo kale oo muhiim ah. IMG_2330 




Gobanimonews




Beijing Office




Email: editor@gobanimonews.com