Madaxweyne Xasan Sheekh "Halkaan waxaan u joognaa sidii Dowladda Japan aynu uga wada-hadli lahayn caawinta iyo horumarinta dalka”
Tokyo(GNA)-11 Maarso 2014 –-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaaladda Tokyo ee dalka Japan.
Weftiga madaxweynaha waxa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Japan oo uu ka mid ahaa safaiirka Japan ee Soomaaliya.
Wafdiga Madaxweynaha oo muddo Afar maalmood ah ku sugnaan doona dalkan Japan ayaa waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guud Nadiifo Maxamed Cusmaan.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa kulamo la qaadan doona Ra'iisul Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe, waxaanay ka wada hadleyaan xoojinta xiriirka labadda dal iyo sidii Dowladda Japan taageero u siin lahayd Dowladda Soomaaliya.
War laga soo saaray imaanshiyaha weftiga madaxweynaha ayaa lagu sheegay in arrimaha gaarka ah ee ay dawladda Somaliya kala hadlayso Japan ay ka mid yihiin horumarinta horKalluumeysiga, Horumarinta Beeraha iyo sdii tababaro loo siin lahaa xirfadleyda Soomaaliyeed.
"Halkaan waxaan u joognaa sidii Dowladda Japan aynu uga wada-hadli lahayn caawinta iyo horumarinta dalka. Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Japan xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeya, dadaal Dowladdu bixisay ayuuna dib ugu soo laabtay xiriirkii Labada Dal, haddana waxaannu rajeyneynaa in uu sii xoogeysto waana mida iminka aannu ka shaqeyneyno oo ah adkeynta xiiriirkaas"ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulan la qaadan doona Boqorka Dalkan Japan waxuuna booqan doonaa Madaxweynuhu Magaaladda Hiroshima iyo meelo kale oo muhiim ah.
Gobanimonews
Beijing Office
Email: editor@gobanimonews.com