Pages

Thursday, March 6, 2014

Baraadkii Berbera ee Noqday Badweyntii Maraqa!


Waa qormo kooban oo ku saabsan sheeko dhawaan ka dhacday magaalada berbera




20140222_133002Dhawaan uun ayey ahayd markii aan safar gaaban ku tagnay Magaalo xeebeeda berbera oo ah caasimada gobolka saaxil, aniga iyo ragg isugu jira suxufiyiin, saraakiil xubno kale oo muhiima, waxaanau magaalada ku tagay dalxiis gaaban iyo u boholyow  dabaasha macaan ee batalaale oo kamida nimcooyinka fadhiya dalkeena hooyo.




Xogaa indho indhayn iyo magaalo marmar  ka dib muraadsi  waxaan  u socdaalnay  dhankaaga iyoo xeebta batalaale oo ah  halka marka aad bebera timaado uu xiisuhu kuu qabanaayo, dabaal iyo damashlayn ka dib  waxaan kusoo noqonay gudaha Magalaada berbera,  markii wakhtigu gabaabsiyey  casar gaabna ay noqotay ayaan  fadhiisanay Makhaayad ku taalada suuqa DAAROOLE  oo nin aan saaxiib nahay noogu sheegay inay iibiso Shaah baraada si aan uga soo casariyeno, markii aan fadhiisanay  ayaan inankii maqaaxida ka dalbanay inuu na siiyo shaaf baraada,  markii uu dalabkii naga qaaday ee uu shaahii soo dhigay  nimankayagii midba mar kabaday ayaa lays wada eegay  saa waxaan isweydiinay  waxani ma shaahbaa mise waa faraxal waxaan isku  qancinay mar hadii meeshu meherad tahay inaan waxba hadal ku celin inanka maqaaxida aan iska iimaansano waxaa nooloo keenay ee biliixaa.




Xoogaa markii aan fadhinay ayaa waxaa noo yimi nin aan saaxiib nahay oo na hogaaminaayey  kaasi oo markii aan maqaaxida soo gelaynay  meel u dhaw makhaayada isla taagay nin ay saaxiib yihiin,  wuxuu nasoo gaadhay anagoo ka sheekaysanayna qisadan cajaayibkaa, waxaana uu markiiba dalbaday Baraadkii  waxaana miiska loosoo saaray Kildhi yar  halka anaga faraajiin miiska nooloo soo saaray, markaasaan ninkii maqaaxida haystay ku nidhi” waar haduu kani baraad yahay kaad noo keentay muxuu ahaa” wuxuu noogu jawaabay shaah waa ka shaah waanad kaa dalbateen  yaab iyo amankaag marna qosol  waxay maskaxda yadii ku noqotay sheego ku cusub waxaana macnihii loo qaatay in dhaqankan ay leedahay beriberi, waxaana had iyo jeer ay ka jira hudheelada laga cunteeyo oo ay ka siman yihiin maraq loo daro qofkasta  kaasoo ah biiris ama isku cel celis xitaa hanbooyinka dadka lagu daro  maraqaasi waa midaan marnaba dhamaan, Shaahaasi kamuu duwanayn maraqaasi.




Hadaba Magaalada berbera ayaa ah magaalo ka xikaayooyin iyo qisooyin badan  dhamaan Magaalooyinka kale ee dalka waana magaalo xeebeed  ay hore uga soo dhaceen sheekooyin isugu jira jaceyl iyo arimo kale.




Mohamed elmi hassan(Shiine)




Hagreysa/Somaliland




Shiine1433@hotmail.com