Pages

Thursday, March 6, 2014

Maxaad ka taqaan cudurka Qaaxada ama TB ?


Maxaad ka taqaan cudurka qaaxada ama TB? By: Dr. Axmed-yasin...
tbCudurka TB ee dadkeena soomaaliduna u taqaan cudurka qaaxada ayaa ah cudur ku fidsan dhamaan caalamka, gaar ahaan tirada ugu badan e cudurkan ku dhacey oo ku nool qaaradaha Asia iyo Africa.
Baadhitaano iyo tirakoob sanadkii 2011 lagu sameeyey tirada cudurkan haleelay taas oo ifisay in sanad walba 8.7 million oo xalaadood so cusboonaato,oo cudurkan ah.taas oo qiyaas ahaan 1.8 million oo qof u dhintaan sanadwalba.
A:Waa maxey cudurka TB ama cudurka qaaxada?
Waa caabuq khater ah aad, oo ay sababtu Bacteriya loo yaqaan (mycobacterium tuberculosis).TB du badana waxey ku dhacdaa sambabada waxana lo yaqaana(pulmonary tuberculosis) isagoo sababaya oof dheer oo waarta in badan(long lasting pneumonia).sidoo kale xubin wal oo jidhka ka mid ah way ku dhici kartaa , waxana loo yaqaan (extra pulmonary tuberculosis) sida: maskaxda,maqaarka,lafaha,neerfaha , Waana cudur ka mid ah cudurada dilaaga ah.
B: sidee buu qofku ku qaadi karaa cudurka qaaxada?
Bukaanku waxa uu ku qaadi karaa bacteriyada TBda marka uu neefsasho ku qaato hawo ku wasakhaysan bacteriyadan.bacteriyaduna waxay hawada so gashaa marka uu qof cudurka tbda samababaha qaba :qofaco,Hindhiso, hadlo ama qayliyo.dadka ku xeeran waxey neefsasho ku qaadan karaan hawada bacteriyada ku wasakheysan iyado u gudbeysa sambabada.laakin laguma kala qaado salaanta iyo taabshada dharka bukaanka.
C: dadka unugul cudurkan inay qaadaan :
_waxa si fudud u qaada dadka la nool qof cudurkan qaba.oo waliba ku jira marxalda bacteriyadu active tahey(waa marka calaamadaha tbdu bukaanka ka muuqdaan).
_darbi jeefka ama dadka aan guri haysan iyo faqriga ayaa keena.
_dadka ajaanibka ah ee ka yimid wadan aad TBDu ugu badantahey.
_dadka alcaholsha caba ama daawooyin ka qaata xididada.
_shaqaalaha caafimaadka.
_dadka qaba cudurka macaanka,AIDSKA,iyo qaar ka mid ah cancerda.
_maxbuusyad jeelalka ku jira iyo dadka tirade badan ee guri wada degan.
D: Calaamadaha cudurkan leeyahay:
Nooca ugu caansan noocyada cudurkan leeyahay waa TBda sambabada(pulmonary tuberculosis) _calaamadahan ayaana lagu arkaa qofka qaba cudurkan:
1: qofac aan kala joogsi laheyn,
2: xumad ama qandho gaar ahaan habeenkii
3: daciifnimo iyo daal badan
4: miisanka bukaanka oo hoos u dhaca
5: dhidid badan wakhtiga habenki ah
6:xaako dhiig wadata
7: neefsasho gaaban
E: shaybaadhka cudurka qaaxada: waxa loo diraa bukaanka baadhitaano badan, waxana ka mid ah: x_ray sawer lagaga qaado xabadka ama laabta,baadhitan lagu sameeyo xaakada bukaanka oo laga baadhayo bacteriyda TBda, iyo baadhitaanada maqaarka lagu sameeyo, iyadoo lagu mudayo bacteriyda tbda maqaarka, waxana loo yaqaan( skin test or purified protein test) waxeyna kala yihiin (Tine test, mantoux test).
F: ma jiraa talaal laga hortegi karo qaaxad?
Jawaabtu waa haa waxa jira talalka loo yaqan (Bacille Calmette Guérin) BCG.waxa uu ka caawin kara bukaanka bacteriyada qaba in uu ka hortago horemarka caabuqu uu sameynayo,waxan la qaata talaalkan caruurnimada. Aad ayuu muhiim uga yahay wadamada ay TBdu ama cudurka qaaxado ku badantahey.
G: Daaweynta cudurka Qaaxada:
Waxa lagu daaweeyaa cudurka qaaxada( anti biotics) si ay u dilaan bacteriyda.labada daawo ee badana la isticmaalo waa 1: isoniazid iyo rifampicin, mudo ayey qaadataana daaweynto ilaa dhawr bilood.waxana loo qeybiyaa sidan:
1:Bilawga cudurka: waxa uu qaadanaya bukaanu lix bilood oo daawayoon antibiotics isku dhafan oo iskugu jira(rifampicin, isoniazid, pyrazinamide and ethambutol labada bilood ee hore iyo rifampicin, isoniazid oo kaliya afarta bilood ee dambe)
2: cudurka marlabaad ku dhaca bukaanka :
Haduu cudurku soo noqdo marku ka daweysmay bukaanku,wa in baadhitaan lagu sameeyo ma iskacaabin ba ka hor imanaysa daawooyinka qaar,waxaana lagu daweynaya afarta daawoyin ee ugu saamaynta badan mudo 18 ilaa 24 bilood ah.




By: Dr. Axmed-yaasiin Qodxaani




Public health and University




Khartuum/Sudan