Waa qormo kooban oo ku saabsan sheeko dhawaan ka dhacday magaalada berbera
Dhawaan uun ayey ahayd markii aan safar gaaban ku tagnay Magaalo xeebeeda berbera oo ah caasimada gobolka saaxil, aniga iyo ragg isugu jira suxufiyiin, saraakiil xubno kale oo muhiima, waxaanau magaalada ku tagay dalxiis gaaban iyo u boholyow dabaasha macaan ee batalaale oo kamida nimcooyinka fadhiya dalkeena hooyo.
Xogaa indho indhayn iyo magaalo marmar ka dib muraadsi waxaan u socdaalnay dhankaaga iyoo xeebta batalaale oo ah halka marka aad bebera timaado uu xiisuhu kuu qabanaayo, dabaal iyo damashlayn ka dib waxaan kusoo noqonay gudaha Magalaada berbera, markii wakhtigu gabaabsiyey casar gaabna ay noqotay ayaan fadhiisanay Makhaayad ku taalada suuqa DAAROOLE oo nin aan saaxiib nahay noogu sheegay inay iibiso Shaah baraada si aan uga soo casariyeno, markii aan fadhiisanay ayaan inankii maqaaxida ka dalbanay inuu na siiyo shaaf baraada, markii uu dalabkii naga qaaday ee uu shaahii soo dhigay nimankayagii midba mar kabaday ayaa lays wada eegay saa waxaan isweydiinay waxani ma shaahbaa mise waa faraxal waxaan isku qancinay mar hadii meeshu meherad tahay inaan waxba hadal ku celin inanka maqaaxida aan iska iimaansano waxaa nooloo keenay ee biliixaa.
Xoogaa markii aan fadhinay ayaa waxaa noo yimi nin aan saaxiib nahay oo na hogaaminaayey kaasi oo markii aan maqaaxida soo gelaynay meel u dhaw makhaayada isla taagay nin ay saaxiib yihiin, wuxuu nasoo gaadhay anagoo ka sheekaysanayna qisadan cajaayibkaa, waxaana uu markiiba dalbaday Baraadkii waxaana miiska loosoo saaray Kildhi yar halka anaga faraajiin miiska nooloo soo saaray, markaasaan ninkii maqaaxida haystay ku nidhi” waar haduu kani baraad yahay kaad noo keentay muxuu ahaa” wuxuu noogu jawaabay shaah waa ka shaah waanad kaa dalbateen yaab iyo amankaag marna qosol waxay maskaxda yadii ku noqotay sheego ku cusub waxaana macnihii loo qaatay in dhaqankan ay leedahay beriberi, waxaana had iyo jeer ay ka jira hudheelada laga cunteeyo oo ay ka siman yihiin maraq loo daro qofkasta kaasoo ah biiris ama isku cel celis xitaa hanbooyinka dadka lagu daro maraqaasi waa midaan marnaba dhamaan, Shaahaasi kamuu duwanayn maraqaasi.
Hadaba Magaalada berbera ayaa ah magaalo ka xikaayooyin iyo qisooyin badan dhamaan Magaalooyinka kale ee dalka waana magaalo xeebeed ay hore uga soo dhaceen sheekooyin isugu jira jaceyl iyo arimo kale.
Mohamed elmi hassan(Shiine)
Hagreysa/Somaliland
Shiine1433@hotmail.com