Thursday, March 6, 2014

S/land:Hay’ad Xukuumi ah oo caddeysay in Musuqmaasuqa Dawladdu aad u sareeyo


DSC00160




Hargeysa(GNA)-Hay’adda Maamul wanaaga iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland oo ah Komishan Xukuumi ah ayaa sheegay in 59.0% bulshadu aamisantahay  Musuqmaasuqa ka dhaca Xafiisyada dawladdu aad u sareeyo.



Musuqmaasuqa ka dhaca Xafiisyada dawladda ayaa loo qaybiyaa dhawr nooc oo kala duwan, iyadoo siyaabo kala gedisana sameeyo, kana mid yihiin Laaluush ka qaadashada fulinta adeegyada dadku u doontaan xafiisyada iyo in garabbeyshan laysku tix-geliyo.DSC00158




 



Daraasad ay Hay’addu samaysay sanadkii tegay 2013 oo lagu waraystay in ka badan 790 qof oo ku kala sugan ilaa shan Gobol oo Somaliland ah , ayaa iftiiminaysa inay bulshadu si buuxda u dareensantahay jritaanka Musuqmaasuqa laga sameeyo xafiisyada dawladda, kuwaasoo dadka qaarkii sheegeen inaanay goob joog u ahayn ee ay Warbaahinta ka daalacdeen.




Daraasadan ayaa sida lagu sheegay Warbixin laga soo saaray oo Nuqul ka mida Gobanimonews u heshy, diirada lagu saaray dhawr mawduuc oo kala duwan oo dadka wax laga waydiiyay.




Waxyaabaha dadka wax laga waydiiyay waxa ka mida heerarka nolosha, waxbarashada, la socodka Warbaahinta iyo qodobo kale, ayaa dhinaca kale dadka la wareystay rejo wanaagsan ka muujiyeen isku dheeli tirnaanta nolosha dadka reer Somaliland oo badankoodu ay sheegeen inay sanadihii ugu dambeeyay soo wanaagsanaanayso, marka la barbar dhigo xiliyadii hore.




Hase ahaatee dadka aadka xogogaalka ugu ah shaqada Xafiisyada dawladda ayaa ku dooddaya in Musuqmaasuqa iyo maamul xumadda xarumaha dawladdu aad u sareyaan, isla markaana madaxda laamaha dawladdu qayb ka yihiin korodhka xadiga gabood-falada musuqmaasuqa iyo wax is-daba marinta.




Hay’adda GGACC, ayaa la aasaasay sanadkii 2010-ka, markii xukuumadda Madaxweyne siilaanyo talada la wareegtay, waxaana hawl-qabadkeeda lagu saleeyay la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Maamul xumidda dawliga ah si loo horumariyo tayada iyo toobiyaha ay ku socdaan adeegyadu.




Goleyaasha Baarlamanka ayaa sidoo kale Hay’addan Xeerka lagu aasaasay iyo jiritaankeeda ansixiyay sanadkii 2013-ka, iyagoo u aqoonsaday Komishan Madaxbanaan oo dawli ah.




Hase yeeshee qaybo badan oo ka mida dadka siyaasadda Dawladda la socda ayaa aad u dhaliilsan hawl-gudashada Komishanka,kuwaasoo aaminsan in gaabis badani ka muuqdo talaabooyinka looga baahnaa inay qaado.Xasan cumar




 



Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com