Pages

Sunday, March 23, 2014

Al-shabaab oo dib u qabsatay qaybo ka mida Qoryoolay iyo Qoys Madfac ku habsaday


QoryoolayQoryoolay(GNA)-Dagaal ayaa caawa dib uga bilowday degmada Qoryoolay, halkaasoo ay gelinkii hore ee Maanta Ciidanka AMISOM ka qabsadeen xoogaga Al-shabaab oo shan sanadood gacanta ku hayay.




Xoogaga Al-shabaab ayaa la sheegay inay caawa niskii hore qaybo ka mida Magaaladdaas ku qabsadeen weerar rogaal celis ah, sida ay goob-joogeyaal ku warameen.




Ciidamada AMISOm ayaa isku uruusanayay dhanka wada aado Janaale halkaasoo ay isagu tageen kadib markii dagaal xoogan alshababku ku riixeen.




Magaalada ayaa caawa fiidnimadii laba qaybood u kala qaysantahay, inkasta oo aan saacadihii ugu dambeeyay wax war ah laga heli.




Goob-joogeyaal ayaa Warbaahinta u sheegay inay labada dhinac isu adeegsanayaan hubka cul-culus, magaaladuna isu bedeshay meel dhawaqa Madaafiicdu hawada haystan, khasaare xoogana uu soo kala gaadhay labada dhinac, inkasta oo aan tiro koob rasmiya la haynin.




Dad badan ayaa gelinkii hore ee Maanta ka qaxay Magaaladda si ay naftooda ugala cararaan dagaal.




Xoogaga Amisom iyo kuwa Dawladda ayaa saaka gelinkii hore ka qabsaday Al-shabaab Qoryoolay,




Ciidamada AMISOM oo u badan kuwa Uganda, ayaa waxaa taageerayey taangiyo iyo diyaaradaha wax basaasa ee aan duuliyaha laheyn.




Khasaare xoogan ayaa labada dhinacba ka soo gaaray, waxaana la xaqiijiyay dhimashada askar kor u dhaafaya shan oo AMISOM iyo Soomaali isugu jirta iyo dhaawac kor u dhaafaya tobaneeyo askari.




Dadka ku dhintay Dagaalka Maanta waxa ka mida qoys afar qof ka koobnaa oo hal qof mooyaane intii kale dhimatay, ka dib markii Madfac ku habsaday.




Qofka ka badbaaday Madfaca ku habsaday ayaa ah Hooyo saddex ubad ah oo ay dhashay ku geeriyoodeen.




Magaaladda qoryoolay ayaa 90 KM dhinaca koonfur Galbeed kaga beegan  Muqdisho.




La soco wixii war ka soo kordha…




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com