Pages

Sunday, March 23, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo la ogaaday inuu Puntland uga fasax qaatay safarkiisii laasqoray


Wasiir Cadami oo Kashifay inay wada hadal la galeen Maamulka Puntland intaanay Laasqoray gelin..Kaashif




IMG_2422Hargeysa(GNA)-Gobanimo News ayaa u dhaba gashay qaabkii uu i Madaxweyne Siilaanyo ku tegay Degmada Laasqoray ee Xeebta Sanaag Barri, halkaasoo safar saacado qaatay oo uu ku joogay uu rikoodh siyaasaddeed oo cusub ku samaystay.




Baadhis badan oo aanu samaynay ayaanu ku ogaanay in weftiga Madaxweyne Siilaanyo iyo Maamulka Puntland ka wada hadleen safarka Laasqoray, ka dibna isku waafaqeen in saacado kooban weftiga Somaliland joogaan Laasqoray.




Puntland ayaa weftiga u ogolaatay inay Magaalada Amaan ku soo galaan, kagana baxaan, iyadoo ciidmadeedii halkaasi ka joogay dibada uga saartay, sida uu sheegay sarkaal weftiga la socday oo Gobanimonews uga xog waramay arintaasi.




“Intii aanaan gelin ayaa weftigu la hadleen dhinaca Puntland, dabadeed waxa lagu yidhi meesha iskaga baxa oo nabad-gelyo aynu kala helno, hadii kale wixii dhaca shaqo kuma lihin, dabadeed adigu  ciidankii Puntland ee meesha joogay Magaalada dibada looga saaray waxaanay tageen meel u dhow magaalada.




Intaasi ka dib waxa Magaalada labada dhinac laga dhigay Ciidamada Qaranka Somaliland, kuwaasoo sugayay amniga weftiga, dabadeed markii aanu ka soo baxnayna waxa dib ugu soo laabtay ciidanka Puntland”ayuu yidhi Masuulkan oo ka cudur daartay inaanu soo xigano magaciisa.




cadamiDhinaca kale, Wasiirka Gaashaan dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa kashifay arrintan oo aan hore loo dareensanayn, inkasta oo xogo badan soo baxayeen.




Wasiir Cadami ayaa iftiimiyey in wada hadal dhex maray iyaga iyo Puntland intii aanay weftiga Madaxaweynuhu Magaalada gelin.




“Markaa jawaabta Puntland ka soo baxday waxay noqotay inay ciiddammo soo dhoobaan meel aan ahayn dhulkii la isku hayayba oo ay yidhaahdaan dhulkiiba la qabsay Anagu TV-na kamaanu hadal jaraa,idna wax kumaanu qorin laakiin iyagii ayaanu  la hadalnay oo aanu nidhi colaad iyo nabad miduun qaata,waayo?haddaad na soo doonataan oo dagaal noola timaadaan waanu iska kiin celinaynaa,wada hadal waliba dhex dhexaad ahbaa dhacay waxay ogolaadeen inay halkoodii ku nqdaan, wakhti la qabtay oo saacadbaa la isla qaatay,waxay ahayd intii Weftigu Burco ku soo maqnaa,markaa sidaasay ku noqdeen oo ay ciidankoodii dib ugu qaateen”.




Arrintan ayaa fashilaysa Faanka iyo buun-buuninta tegitaanka Madaxweyne Siilaanyo ee Laasqoray oo ay xukuumaddu ugu magacdartay Hilaacii Xeebaha Somaliland.




Sababtooy tahay waxa naaqus siyaasaddeed lagu tilmaamayaa in uga fasax qaadashada Dhulka Somaliland  Maamulka Puntland ceeb ku tahay Qaranka iyo quwadda Dawladnimo ee dalka, iyadoo ay tani ayaan daro noqonayso mar hadii Madaxweynihii Somaliland Laasqoray dul tegay Garoowe gor-gortan iyo wada hadal kula galay deegaan u diyaar garoobay inuu tago isagoo watay ciidan iyo Hub ku filan.




Somaliland hore waa looga bartay Madaxweyne Khatar u badheedha, sidii Daahir Rayaale Laascaanood ku tegay, laakiinse hore uma dhicin Madaxweyne Maamul kale uga fasax qaatay booqashada deegaan ka mida waddankiisa oo Madaxweyne Siiaanyo ka horeeyay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com