Pages

Sunday, March 23, 2014

Somaliland oo Saxeexaysa Heshiis lagu soo tar-xiilayo kumanaan Yurub uga haajiray


Dawladda Ingiriiska oo xukuumadda Siilaanyo kula heshiisay inay u celiso dadka reer Somaliland ee Dambiyada ka gala iyo kuwa sharciga loo diiday.




Heshiiska ayaa ku soo aaday xili waddamo ka mida Yurubta kale  raadinayeen cid kala xaajoota boqolaal u dhashay Somaliland iyo Puntland oo la diiday in qaxoonti loo aqoonsado oo xabsi ku jira..Akhri warbixin




 Wasiirka-dib-u-dejinHargeysa(GNA) qaar ka mida wadamadda Reer Galbeedka ayaa sanadihii ugu dambeeyay bilaabay qorshe ay dalalkooda kaga hor istaagayaan in magan-gelyo la siiyo mawaadiniinta u dhashay Somaliland iyo Puntland.




Qorshahan ayaa hada ka socda Jasiirada Malta, talyaaniga iyo dhawr waddan oo kale oo ka mida Yurub, kuwaasoo si rasmiya u joojiyay inay qaabilaan Soomaalida ka soo jeedda ama ka tacabira deegaamada Xasiloonidu ka jirto ee Somalia, sida Somaliland.




Talaabadan ayaa caqabad weyn ku keentay Boqolaal Reer Somaliland oo Tahriib ku galay waddamadaasi, kuwaasoo dantu ku khasabtay inay sheegtaan reer Koonfur, balse hadana gadaal markii laga ogaaday meelaha ay ka yimaadeen xabsi iyo handidaad kale la kulma.




Dadka lagu qabto arrintan ayaa xeryaha qaxoontiga sharci la’aan ku jooga, isla markaana lagu war geliyaan in gobolladii ay ka yimaadeen lagu celin doono.




“Dawladda Malta iyo Midowga Yurub oo dhan  waxay soo rogeen hab lagu kala saarayo dadka Soomaalida ah ee Tahriibta ku gala wadamadooda, kaasoo qofka Somaliland iyo Puntland ka soo jeedda loogu diidayo in la qaabilo” sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Maxamed Yuusuf oo degen dalka Malta.




Maxamed ayaa sheegay in Soomaalida lagu kala saaro nidaam cusub oo dhawaan ay soo rogeen Midowga Yurub iyo Q.midoobay “Waxaana lagu kala saarayaa Lahjadda, waxaana qofka laga duubayaa cod, dabadeed dad la shaqeeya ayaa baadhaya qofka lahjadiisa, markaa runtii arintaasi dhibaato weyn ayay ku keentay dadka Somaliland u dhashay, haba ugu darnaadeen dhalinyarada Tahriibta ku galay”.




Sidoo kale, gabadh Dhalinyaro ah oo ku jirta Xeryaha qaxoontiga Somaalida ee Jasiiradda Lampaduse dalka talyaaniga ayaa Gobanimo u sheegtay “hadii aad Somaliland sheegato laguma qaabilayo, waxaanay ku odhanayaan waa lagu celinayaa, xadhigna waa loo geystaa”ayay tidhi gabadhan oo ka soo jeeda deegaamada Somaliland, balse si ay sharci u hesho sheegatay Gobollada Koonfura Somalia.




Somaliland oo Heshiis lagu soo celinayo Mawaadiniinteeda Ingiriiska la gelaysa




WasiirkaIyadoo ay arrintani muddo gaaban soconaysay ayaa Wasiirka Wasarada Dib-udajinta ee Somaliland  la sheegay inuu Maalinta Barri ah u ambo baxayo safar uu ku tegayo dalka Ingiriiska, si uu halkaasi ugu soo saxeexo heshiis dawladda UK doonayso inay ku soo celiso Mawaadiniinta reer Somaliland ee dambiyada ka gala dalkaasi, ama sharciga la siin waayo.




Sida lagu sheegay Mareegta Waaheen, qorshaha lagu soo celinayo dadkaasi ayaa ah mashruuc la yidhado (AVRR) Assistance Voluntry Return &Reintegration, kaasoo ay labada dal iska kaashanayaan fulintiisa.




Heshiiska waxa lagu dilaayaa Mashruuc lacag ahmaxamed biixi




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Dib u dejinta iyo Wasiirkeedda toona oo xaqiijiyay Warkan, iyadoo Wasiir Axmed Cabdi Kaahin oo Wariyaha Gobanimonews ee Hargeysa uu la xidhiidhay sii uu arrintan wax uga waydiiyo u suurto geli wayday inuu Jawaab ka helo, hase ahaatee warar madaxbanaan oo Gobanimo heshay ayaa  tilmaamaya inaanay qorshahan ku wada socon xukuumaddu .




Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa la sheegay inay hore ugala hadashay UK, dib u soo celinta kuwa sharci darada ku jooga dalkaasi ee Somaliland u dhashay.




Heshiis hore oo Denmark iyo Somaliland wada galeen




Somaliland iyo Denmark ayaa tobaneeyo sano ka hor kala saxeexday heshiis lagu soo celinayo Mawaadiniinta ka soo jeeda Somaliland.




Hase ahaatee heshiiskaasi wax saameyn ah muu yeelan,sababo dhanka tiradda dalka joogay iyo duruufo labada waddanba ka jiray awgeed.




Sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Maxamed Axmed oo hore xilal uga soo qabtay xukuumadda Somaliland.




“muu jirin heshiis noocan ah intaan xasuusto oo xukuumadihii hore la galeen dawladdaha reer Yurub, aan ka ahayn mid mar xiligii Xukuumaddii Marxuum Cigaal uu galay wasiirkii dib u dejin Cabdilaahi Darawal uu la galay dawladda Denmark, kaasina muu fulin ee inyar oo lacag ayuunbaa lagu qaatay”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “Markaa kana waxaan maqlay in Wasiirka Arrimaha Dibaddu dhawaan Dawladda Ingiriiska kula soo heshiiyay isagoo dilaaya mashruucaasoo waxoogaa lacag ah lagu bixinayo “.




Waaxda Qaabilsan Xaqoontiga gudaha ee Ingiriska oo sharciga u diiday dad Soomaali




Soo ifbaxa Heshiiska laba Geesoodka ah ee Dadka reer Somaliland lagaga soo tarxiilayo UK, ayaa ku soo beegmaya xili ay kumanaan bilaa sharci ah oo Soomaliya u dhashay wadnaha farta ku hayaan, kuwaasoo ku filiqsan gudaha dalka UK.




Qaar ka mida dadkaasi ayaa Gobanimonews u sheegay in sharciga loo diiday iyadoo dawladdu qaabishay, isla markaana lagu war geliyay inay waddanka ka noqonayaan oo uu ka dhacay Fisihii joogitaanku.




Haweenay muddo laba sanadood ka badan degenayd dalka Ingiriiska oo sheegtay inay waaxda bixinta sharciyadda gudaha ee Ingiriisku sabab aanay garayn ugu diideen sharciga degenaanshiyaha, taasoo magaceeda qarisay cabsi darteed, ayaa  tidhi “sidii aan u sugayay Sharciga ayuunbay qolada Home Office-ku igu yidhaahdeen wuu kaa dhamaaday xiligii Visa-haagu ku eekaa, sharcigana kuma siin karno, dabadeed waxaan ku idhi waar dalka fiise joogitaan ah ayaan ku joogaa, iyana kuma joogtidid ayay igu yidhaahdeen, markaa aad ayaan u werwersanahay”ayay Gobanimo u sheegtay.




Qaar shaqo la’aan wali taagan Somaliland uga tahriibay




Shaqo la;aan Si kastaba ha ahaatee heshiiskan cusub ayaa hadii uu hir-galo saameyn balaadhan ku yeelanaya boqolaal u dhashay Somaliland dalka shaqo la’aan uga haajiray tobankii sanadood ee ugu dambeeyay iyo kuwo kharash badani kaga baxay sidii ay dalkaasi ugu tegi lahaayeen duruufo kala duwan.




Kuwaasoo hadii heshiiskani hir-gelo ay dantu ku khasbayso inay waajahaan socdaal kale oo ay kaga firdhanayaan waddanka Igiriiska ama dib loo soo celinayo.




Maxaa yeelay? Dadkan ayaa markii ay gaadheen dalalka dhaqaalahoodu wanaagsanyahay dib u soo biila qoysaskii ay ka tageen, xataa hadii aanay sharci helin.




Shaqo la’aan waddanka ka jirta ayaa ah mid marba marka ka dambeysa inay soo korodho mooyaane, hoos u dhac jirin, sababo la xidhiidha kaabeyaasha shaqo abuurista oo yar.




Mana jiraan wershado wax soo saar oo fursado shaqo soo kordhiya iyo Mashaariic kale oo waaweyn oo duruufaha shaqo la’aaneed wax lagaga qabanayo, taasoo ay barbar socoto korodhka  dadka wax-barta oo xadigoodu badanayo.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email; editor@gobanimonews.com