Muqdisho(GNA)-Gabar 18 sano jirtay ayaa u geeriyootay kufsi iyo jirdil ay u geysteen Koox ka afduubtay Degmaa Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.
Haweenayda ayaa ku geeriyootay Cisbitaalka Keysaney oo ku yaala duleedka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay iney degmada Kaaraan ka afduubteen gadadhan oo magaceeda aanan helin, iyagoo ka dibna kula kacay kufsi wadareed.
Wararku waxay sheegayaan in kooxahan hubeysan markii ay kufsanayeen gabadhaasi ay u geysteen jirdil iyo garaacis xoog badan , ka dib markii ay isku dayday inay iska caabiso Kooxda.
Goob joogayaal ku sugan degmada Kaaraan ayaa sheegay in gabadhaasi oo xaalad miyir beel ah ku jirtay jirkeedana ay ka muuqdeen dhaawacyo fara badan la geystey cisbitaalka Keysaney halkaasoo ugu dambeyn xalay ay ugu geeriyootay dhibaatooyinka loo geystay.
Kufsiga ayaa waddanka Somalia ka noqday wax iska caadi ah oo lagula kaco Gabdhaha, sida ay dhawaan warbixin ku sheegtay Hay’adda Xuquuqda aadamaha u qaabilsan adduunka.
Hase ahaatee waa markii ugu horaysay e la maqlo Gabadh la kufsaday oo u dhimatay dhaawacyada loo geystay, inkasta oo ay jiraan kuwo badan oo ay saameyn ku yeelatay waxyeelada loo geystay.
Dawladda Somalia ayaa loo soo jeediyay inay wax ka qabato heerka Kufsi ee sii kordhaya si mustaqbalka gabdhaha yaryar loo badbaadiyo.
Dabayaaqadii sanadkii hore ayay hayd markii Muqdisho lagaga dhawaaqay Guddi wasiirro ah oo xaqiiqo raadin ku sameeyay Kufsiyada dalka ka dhaca.
Balse Guddida ayaan soo saarin nariijo halbeeg ama laga helo toobiya wax looga qaban karo dhibaatada.