Pages

Friday, February 21, 2014

Boorama: Xildhibaano Dalbaday in Saxeexa lacagta laga joojiyo Maayirka


Boorama:-(GNA)- Qaar ka mid ah Xubnaha golaha deegaanka ee degmada Boorama ayaa qoraalo dacwad ah oo ay kaga dalbanayaan Baanka iyo meelo kale oo badan in sexeeaxa hantida Dawlada hoose oo la rabo in laga  joojiyo Gudoomiyaha golaha deegaanka.




 Qaarka mid ah Qoraalada ay isweydaarsadeen Golaha deegaanka xubnaha ka tirsan iyo Baanka dhexe oo ay warbaahinta heshay  ayaa u dhignaa in hanti hore uu uga Amaahday gudoomiyaha degmada Boorama Baanka aan la hayn xisaab xidhkeedii, hantidaasi oo ay ku sheegeen 200 milyan, sidoo kale qoraalka xubnaha deegaanka ayaa ku socday Hantidhawrka guud inuu wax ka qabto, waxaana ku saxeexnaa 10  xildhibaan oo ah kuwa ka soo horjeeda gudoomiyaha golaha deeganka degmada borama.




. Hase Yeeshee Jawaabta Baanka ayaa iyana u qornayd sidan:-




Ujeedo: Lacag Joojin Waxaanu la socodsiinaynaa madaxa kor ku xusan ee warqadani sida tooska ah iyo ogaysiintaba leh ku wargalinaynaa.




Anaga oo raacayna xeerka ismaamulka degmooyinak iyo gobolada xeer Lr 23 qodobkiisa 19aad farqadiisa A iyo B qodobadaasi oo qeexaya inuu goluhu dayn gali karin ilaa ay yimaadaan masiibooyin dabiciya oo dayn loo gali karo.




markaan eegnay hantida dawalada ee banka lagala baxo in ay sifo sharci ah ku baxdo oo aan jirin wax dayn ah ama amaah ah oo uu baanku siiyay gudoomiyaha degmada borama .




si kastaba ha ahaatee  xildhibanada dacwoodayaasha ayaa ku hungoobay  dacwadaha iyo been abuurka ay la hortageen hanti dhawrka iyo baanka dhexe oo xaqii jiyay in lacagaha uu gudoomiyuhu kala baxo baanka uu sifo sharaciga waafaqsan ku saro hase ahaatee arintan ayaa waxaa loo arkaa in aysan  jirin wax lacag ah oo lagala baxay baanka oo amaah ah