Pages

Friday, February 21, 2014

HOOYOOYINKA CAANAHA NAASKOODA UU YAR YAHAY OO LA SHEEGAY INUU KU SOO FOOL LEEYAHAY CUDURKA MACAANKA


images (12)(GNA) Cilmi-baadhis ay soo bandhigeen khubaro caafimaad oo u dhashay Maraykanka, ayaa iftiimisay in hooyooyinka ay ku adag tahay inay naas-nuujiyaan ubadkooda amma naaskoodu aannu caano fiican soo saarin ay astaan u tahay in cudurka macaanku ku soo fool leeyahay. Dhakhaatiirta daraasaddan samayeeyey waxay ogaadeen in hormoonka Insulin door muhiim ah




ka ciyaaro soo-saarista caanaha naaska hooyada, sidaa darteeda hooyooyinka aan naaskoodu caano badan lahayn ku yar yahay maadada Insulin-ta oo ah hormoonka kaantaroola xaddiga




sonkorta ah ee ku jira dhiigga bani?aadamka.




Muddo badan ayaa la sheegay in hormoonka insulin-tu aannu door muhiim ah ka ciyaarin soo- saarinta caanaha naaska hooyada, laakiin khubaradani waxay heleen in qanjidhka caanaha soo saara ee naasaha hooyada ku yaal uu aad u shaqeeyo marka hormoonkani dareemo inuu jidhka ku jiro amma ku badan yahay.




Xaddiga hormoonka insulin ee qofka jidhkiisa ku jira waxa lagu ogaadaa kolba nooca cudurka macaanka ee haya, sababtoo ah dadka macaanka noociisa koowaad la nool waxa burbura amma la




burburiya unugyada la yidhaa Beta Cells ee ku jira ganaca (Pancrease), taas macnaheeduna waa in qofku aannu soo saarin hormoonka Insulin oo jidhkiisa ka maqan.




Sidoo kale, dadka qaba nooca labaad ee xannuunka macaanka waxay soo saraan hormoonka Insulin, balse si fiican uma shaqeeyo, waxaanay qaataan qaar ka mid ah dadka cudurkan qaba kiniinno ka shaqaysiiya hormoonka.




Daraasad hore oo uu sameeyey khabiir la yidhaa Dr. Laurie Nommsen-Rivers, ayaa soo bandhigtay in dumarka caanaha badan hab-dhiska cunto- burburinta ee jidhkooda iyo hormoonka insulin si fiican u shaqeeyaan.




 




Diyaariye:-C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com