Pages

Tuesday, February 18, 2014

Somalia: Al-shabaab waxa hubka siiya kuwa UN-ka u shaqeeeya”.


indho_qarMuqdisho(GNA)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka hubka iyo hubka Soomaaliya ee  Mentoring Group Kooxda   Al-shabaab ay siiyaan  hubka ay heystaan.




Kooxda la socodka Hubka Somalia ayaa todobaadkan horaantiisii Golaha amaanka ka dalbaday in sideedii lagu soo celiyo cuno-qabateynta Hubka Somalia ee la khafiifiyay, taasoo ay ku sababeeyeen hubka gacanta dawladda ka baxa oo Al-shabaab  u gala.




Sida warbixinta Kooxdu soo saartay lagu sheegay hub badan oo sifeyaal kala duwan kaga baxay gacanta dawladda ayaa u galay Al-shabaab, kaasoo qayb ka mida dad Madaxda ugu saraysa dawladdu ka iibiyeen Shabaabka.




Hase ahaatee Taliyaha ciidanaka xoogga dalka Soomaaliya sareeyo guuto Daahir Aadan Cilmi {Indha-qarshe} oo shalay saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymaha  ka soo baxay kooxda dabagalka hubka  ee dalalka Soomaaliya iyo Eretria.




Taliyaha ayaa ku dooday inaanay suurto gal ahayn in dawladdu cadowgeeda hub u dhiibto, al-shabaabna dagaal adag ka dhexeeyo Ciidamada iyo dawladda.




Taliyaha ayaa ku eedeeyay dadka bixiyey macluumaadkaasi qaldan inay taakuleeyaan Al-shabaab oo aysan dooneyn xasiloonida ummadda iyo tanka dalka Soomaaliya, waxaana uu ku tilmaamay dadka wararka been abuurka ah ka faafinaya ciidamada qalabkasida inay yihiin kuwo u adeega dagaalyahanada Al-shabaab, wuxuuna xusay in hubka ay Al-shabaab heystaan circa inuusan ka soo dhicin balse la siiyey, ayna aaminsanyihiin inay siiyeen kuwa warka beenta ah ka faafiyey dowladda Soomaaliya.




“Anigu waxaan aaminsanahay in kuwa hadda nagu eedaynaya inaan hub bixinay inay yihiin kuwa iyagu hubka siiya Al-shabaab, waayo ilaa markii ay Al-shabaab dagaalka ka bilaabeen Soomaaliya hub fara badan ayey helaysay waana in la helo dadka hubkaasi bixiya caalamkuna uu baaritaan ku sameeyo halka ay hubka ka hesho Al-shabaab, annaga xageena suurtagal mahan inaan bixino hubkii annaga nalagu dililaahaa” ayuu yiri taliyaha.




Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xili ay soo baxayaan warar sheegaya in kudhawaad 700 Askari oo ka mid ahaa Ciidamo uu dhawaan Taliyuhu Ciidamada Xooga ka rusqeeyay ay ku bireen iyagoo hubkoodii wata Dagaalyahanada Al-shabaab.




Sida uu sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada shaqada laga eryay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dantu askartaasi ku qasabtay ku biirida al-shabaab.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com