Pages

Tuesday, February 18, 2014

Somaliland: Musharax Dhaqan oo lagu Xidhay Arabsiyo


Hargeysa(GNA)-C/raxiin Saxardiid Kaahin Oo Loo Caleemo Saarayey inuu noqdo Ugaaska Beelaha Reer Sheekh Isaxaaq ee Dalka Jabuuti ayaa xabsiga loo taxaabay .




Ninkan loo Caleemo-saarayey Ugaasnimada isla markaana lagu caleemo saarayey Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley ayaa goor dhawayd xabsiga loo taxaabay ka dib markii xukuumadu ka war heshay caleema-saarkiisa oo ay qaban qaabinayeen Jahliyada reer Jabuuti ee Somaliland .




Dhinaca kale xadhiga Ninkan loo caleemo-saarayey Ugaasnimada Jabuuti ayaa waxa lala xidhiidhinayaa inay Xukuumada Somaliland kasoo dalbatay Dawlada Jabuuti oo ninkan la caleemo-saarayo ku eedaysay inuu ka mid yahay Xisbiyada Mucaaridka ee Dalkaasi oo uu mudo dheer Gudoomiye ka ahaa Xisbiga MRD laantiisa Uk.




Warar kale oo xogogaala isla markaana u dhuun daloola xadhiga ninkan Ugaaska loo caleemo-saarayey ayaa waxa ay tibaaxayaan in uu xadhigiisa ka danbeeyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mr. Cali Waran-cade oo ay isku deegaan ka soo jeedaan.




Warka ayaa intaas ku daraya in   Cali ka cadhooday in lagu caleemo-saaro deegaan aan ahayn deegaanka Beesha uu ka dhashay ninkani.




Isku soo wada duuboo waa markii ugu horeysay ee Somaliland laga qabanqaabiyo Ugaas ama Suldaan u dhashay Dalka Jabuuti oo kasoo jeeda beesha dhexe ee Somaliland.




Warsame Xuseen Nuur




Saxafi Madaxbanaan




warsamehusein@gmail.com




Hargeysa Somaliland