Ayaamahan waxa shacabka madax wareer ku riday fara-gelinta xukuumada madaxweyne Axmed-siiraanyo ku hayso golahii sharci dejinta ee wakiilada.Mase oga shacabku ula jeedada ka danbaysa,malaha shacabku se waxa uu ku aroorayaa muddo kordhin madaxweyne Axmed-siiraanyo u soo hangalay-sanayo.Balse arrinku intaa wuu ka qoto dheer-yahay.
Waxa la yidhi(Nin wayn iyo ummuli-ba siday wax u ogyihiin uma sheegaan).Dalkan waxa ku habsatay ayaan darro ka haysa kalsoonida shacabku ku qabo siyaasiyiintii la soo biyo cabtay keli-taliskii Afweyne,kuwaas oo iyana khiyaamo jeebka ku haysta ayaa shacabka tusa weji kale oo daacad-nimo ka muuqato si ay hogaanka dalka ugu guulaystaan,Waana ta keentay inuu Axmed-siiraanyo kursiga dalka ugu sareeya ku fadhiisto asagoo u maray hab qabiil.
Afar sannadood oo wax yari ka dhimantahay ayaa xukuumada Axmed-siiraanyo dalka ku hogaaminaysay jaho wareer hadba shacabka suuxiya.Niyad-jab si shacabka loogu rido oo loo cadho geliyo ayaa laga leexiyay jidadkii lagu heli lahaa aqoonsi.Waxa lagu jiheeyay sheeko xariir odhanaysa (Caalamkii ayaa innagu qasbaaya inaynu Soomaaliya wada hadalo).Dadkaygu daacad-sanaa oo dulqaad badanaa waabay u guuxeen durbaankaa marin habaabinta ah ee ku sii dhowaynaya midnimada Soomaaliya.
Muddo aan fogayn ayaa madaxweyne Axmed-siiraayo goob aan joogay lagu waydiiyay goorta uu ku dhawaaqayo midnimada Soomaaliya,waxay jawaabtiisu ahayd (Weli taa shacabku uma bisla).Waa xaqiiqa in shacabka Jamhuuriyada Somaliland loogu talo galay in lagu hor joogo siyaasado ku salaysan dhallaan habaabis oo laga go’doomiyo aduunka,lana qaybsadaan Soomaaliya mucaawinooyinka iyo mashaariicda horumarinta waxbarashada,caafimaadka,wacyi gelinta,dhismaha wadooyinka iyo xasiloonida.Korna loo qaado ku dhaqanka habka xisbiyada badan.Waana arrin salka ku haya qorshaha reer galbeedka iyo UN-tu ay ka wadaan dhamaan gobolada Soomaaliya oo ay ku jirto Jamhuuriyada Somaliland,si gobolada dhamaan loo gaadhsiiyo heer xasilooni iyo nabgelyo ah,kadibna laysugu yeedho oo shirkii ay ku midoobi lahaayeen loo qabto.
La Soco……..
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL