Muqdisho(GNA)wefti ka socda Dawladda Federaalka Somalia ayaa la filayaa inay maanta uga ambo baxaan Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka dhinaca dalka Turkiga, halkaasoo ay kaga qayb-gelayaan wajiga afaraad ee wadahadalada somaliland iyo Somalia.
Weftiga Dhinaca Somaliland uga qayb-gelaya shirka wada hadalka ayaa maalmihii ugu dambeeyay badhkood ku sugnaayeen dalka Ethiopia, qaybta kalena magaalada Dubai ee dalka isutaga imaaraadka Carabta.
Qorshaha labada dhinac ayaa ah inay maalmaha soo socda isugu yimaadaan Magaalada Stanbul ee dalka Turkiga, halkaasoo la filayo inuu ka dhaco kulankoodu.
Weftiga maanta ka baxaya Magaalada Muqdisho waxa hogaaminaya wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyadoo ay wehelin doonaan xubnihii hore uga qayb-galay shirkii ka dhacay magaalada Anchor horaantii sanadkii 2013 ee heshiisyada farsamo lagu kala saxeexday.
Dhinaca Somaliland waxa weftiga ka baxay hogaaminaya Wasiir arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis, kaasoo ay weheliyaan saddex saddex wasiir oo kale.
Ma cadda ajandaha wada hadalka labada dhinac waxa uu ku qotoma ama meesha wax laga bilaabi doono, inkasta oo ay muuqato inay labada dhinac danaynayaan in la qabyo tiro heshiisyadii hore loo wada galay oo aan wali waxba ka fulin.
Xukuumadda Somaliland ayaa horaantii bishan Janaury ee sanadka sheegtay inay dawladda Somalia ka codsatay in muddo ku siman ilaa 15 Bishan dib loogu dhigo wada hadalka, balse wasiirka arrimaha dibada Somaliland wuxuu ku doodaya inaanay wakhtigaasi iyagu fursad helayn ee dib looga balami doono xiliga ugu macquulsan ee shir laysugu iman karo.
Maxamed Biixi Yoonis ayaa intaasi ku daray in Dawladda Xasan ka dalbatay xukuumadda Siilaanyo in wada hadalka dib loogu dhigo sababo la xidhiidha dhismaha xukuumada cusub , si loo helo ergo sharciyan awood u leh inay arrimaha dalka meteli karaan, taasoo uu xusay inay iyaguna ku qanceen.
Hase ahaatee andacadaasi ka dib ma jiro wax iska bedelay maamulka, mana jirto xukuumd cusub oo wali la magacaabay, taasoo muujinaysa inaanay labada dhinac wali qorshe cad iska meel dhigin waxa laga wada hadlayo iyo qaabka toona.
Wasiirrada xukuumadda Federaalka metelaya ayaa ah ku simeyaal Wasiir oo aan awood buuxda u lahayn inay go’aamo ka qaataan cid kale ama maamul heshiis lala gelayo, maadaama xukuumaddoodii dhacday, isla markaana inta dib loo magacaabay aanay baarlamanku ansixin.
Dhanka kale ee Somaliland Mucaaridka ayaa si weyn u saluugsan qaabka ay xukuumaddu isugu koobtay ergada shirka ka qayb-gelaysa, waxaanay asxaabta qaarkood sheegeen inaanay aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda wadahadalada labada dhinac.
Gobanimonews
Muqdisho Office