Wednesday, January 15, 2014

Ogeysiis Ogeysiis Ogeysiis: Warbaahin cusub


Farriinnews.com waa mareeg cusub oo ku soo biirtay Bahda warbaahinta Somaliland, waxaanay Dadweynaha daafaha Caalamka ku nool ugu Bushaaraynaysaa in ay warar iyo Barnaamijyo idiin soo tabin doonto sanadka cusub ee 2014-ka.




 




Mareegta Farriinnews.com, waxay akhristayaasha u soo bandhigi doontaa warar iyo Barnaamijyo ku qotoma Mihnad Saxaafadeed isla markaana laga baaraandegay, kuwaas oo noqon doona kuwo laga soo Ururiyey qaybaha Bulshada oo Dhan.




 




Farriinnews.com, waxa kale oo ay Ganacsatada iyo shirkaddaha waaweyn ugu bushaaraynaysaa in ay ku Xayaysiisan karaan Ganacsigooda isla markaana loogu samayn doono muuqaalo soo jiita.




 




Farriinnews.com, waxa ay markale akhristayaasha Mareegaha ku salaamaysaa Sanadka cusub ee 2014-ka oo ay si rasmi ah ugu biirtay Mareegaha wax ku qora Af-ka Somaliga iyo Luqada Ingiriisida labadaba.




 




Waxa uu Maamulka sare ee farriinnews.com idinku soo dhaweynayaa Gacmo furan.