Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ergayga qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somali Nickolas Kay ayaa si weyn isugu khilaafsan magacaabista xukuumadda cusub ee laga sugayo inuu soo dhiso Reysal-wasaaraha cusub ee dalka Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed.
Raysal-wasaare Cabdiwali ayaa tan iyo markii xilka uu qabtay bishii December ee sanadkii 2013-ka ku dhiiran la’ inuu soo magacaabo Golle wasiirro oo bedela kuwii xukuumaddii Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, taasoo ay Golaha Baarlamanku kalsoonida kala noqdeen isla bishii December.
Loolan adag ayaa dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay ka taagnaa arrinta magacaabista xukuumadda, kaasoo ka dhashay dib u soo celinta Wasiirro ka mid ahaa xukuumaddii la riday oo Madaxweynuhu doonayo in dib loo magacaabo, hase ahaatee qayb ka mida Golaha Baarlamanku ka soo horjeedaan.
U qaybsanaha arrimaha Somalia ee Qaramada Midoobay Nickolas Kay oo haatan ku sugan Magaalada Garoowe, ayaa la sheegay inuu madaxweyne Xasan Sheikh u diray warqad uu ku dalbanayo inaan xukuumadda cusub lagu soo darin Wasiirradii xukuumaddii dhacday, taasoo wararku sheegayaan in madaxweynuhu si cad ugu gacan saydhay.
Inkasta oo aanay jirin war cad oo labada dhinac ee Madaxweynaha iyo Wakiilku ka soo saareen arrimahan, hadana ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay oo Gobanimonews ka heshay Villa Somalia, ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Xasan Sheikh Nickolas ugu jawaabay inaanu soo faro gelin arrimaha dawladda ee gudaha ah, sida magacaabista Xukuumadda iyo arrimaha farsamo maamul iyo dhinacyada shaqada dawladda ah.
Jawaab celinta madaxweyne Sheikh ayaa ilo-wareedyadu ku waramayaan inaanu jeclaysan, isla markaana ku qancin Ergayga Qaranada midoobay,waxaana la sheegay inuu ku hanjabay inaanu xafiiskiisu la shaqayn doonin Xukuumadda la soo dhiso hadii lagu soo daro Wasiiradii hore.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in hadaladan taagtaagan ee labada dhinac isdhaafsadeen dareen weyn ka dhex abuuray siyaasadda gudaha ee dawladda iyo qaramada midoobay, isla markaana yooyootankii magacaabista Wasiirrada cusub sii xasaradeeyay.
Reysal-wasaare Cabdiwali Sheikh oo dastuuriyan ah shakhsiga gacantiisa ku magacaabaya Golaha Wasiirrada ayaa jahawareer hor leh kala kulmay khilaafka Madaxweynaha iyo Nickolas Kay oo wada shaqayn wanaagsan kala dhexeeyo.
Warar madaxbanaan oo Gobanimonews ka heshay ilo-wareedyo siyaasadda u dhuun daloola ayaa sheegaya in C/wali Sheikh aanu wax talaabo ah qaadi Karin, isla markaana uu garbo-duub ugu xidhanyahay Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku sanduleeyay in Wasiirro badan oo xukuumadii dhacday ah dib loogu soo celiyo Xafiisyada.
Baarlamanka oo isku muuniyay mooshino ka dhan ah Xukuumada aan wali la magacaabin.
133 Xildhibaan oo ka mida Golaha Shacabka ayaa shalay mooshin cod loo qaaday ku muquuniyay mid hore ay u soo gudbiyeen 184 xildhibaan oo ka soo horjeedda in dib loo soo celiyo Xukuumaddii saacid shirdoon.
Xildhibaanada Mooshinkaasi ka buray shalay, ayaa la sheegay inay hadana maanta Golaha horkeenayaan mid kale oo ay ku dalbanayaan in Golaha wasiirrada soo socda xubin- xubin loo ansixiyo, si ay markaasi isu hortaagaan shakhsiyaadka ay ka soo horjeedaan ee haraadiga Xukuumaddii Saacid.
Dadka dhaliila siyaasadda madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa aaminsan inuu madaxa kaga taaganyahay magacaabista Golaha Wasiirrada, isla markaana meesha ka saaray masuuliyadii Raysal-wasaaraha dalka.
Hase ahaatee qaar badan oo ka mida taageerayaashiisu waxa iska cad inaanay aragtidaasi qabin, isla markaana wax walba sax ula muuqdaan.
Khilaafaadka siyaasaddeed ee soo noqnoqda ayaa inta badan caqabad weyn ku ah dhamaystirka nidaam dawliya oo waddanka ka hana qaada, waxaana madaxda dawladdu mar walba isku maandhaafaan waxaan saguaro ka biirsan oo masaalixaadka shacbiga ka baxsan.
Ismaandhaafyada siyaasadda salka ku haya ayaa sababa in awood sharci laysku muquuniyo, isla mar ahaantaana mashquul laga galo arrimaha kale ee Maamulka iyo horumarinta nidaamka dawliga ah.
Madaxweyneyaal badan oo soo maray waddanka ayaa ku guul-daraystay inay wada shaqayn hana qaada la yeeshaan Raysal-wasaareyaal ay iyagu soo magacaabeen oo baarlamanka looga ansixiyay, kuwaasoo ay ugu badnaa sanad gudihii baarlamaanadii kala dambeeyay ku kala calaf qaadeen.
Tani waxay sawir buuxa ka bixinaysaa in reysal-wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay u muuqdo qof aad ugu dhego nugul madaxweynaha, isla markaana aan wax qorshe ah oo cusub soo kordhin Karin, hadii aanu madaxweynuhu fursad siinin.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com