Wasiirka arrimaha dibadda somaliland ayaa sheegay inay Axadda wefti ugu baxayaan turkiga, xili aanu ajandaha shirku cadeyn?
Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay wada hadalo mar kale u furmayaan Somalia todobaadyada soo socda.
Somaliland iyo Somalia ayaa hore u yeeshay wada hadalo la xidhiidha dhinacyada siyaasadda, Dhaqaale waddaaga iyo arrimo kale, kuwaasoo aanay natiijooyin dhaqan galay ka soo bixin.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa todobaadkii hore sheegay inay dib u bilaamayaan wada hadalada u dhexeeya labada dal.
Wasiirka arrimaha dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Maanta warbaahinta u sheegay inay shirka wada hadaladu shan maalmood ka dib ka furmayo Dalka Turkiga oo ay hore saddex shir oo hore ugu dhex mareen dhinacyada.
Maxamed Biixi Yoonis oo shir-jaraa’id ku qabtay Madaarka Hargeysa oo uu ka soo degay, ka dib safar uu ugu maqnaa dibaddaha ayaa intaasi ku daray in wefti ka socda Xukuumadda Somaliland Axadda todobaadka soo socda Hargeysa ka amba bixi doonaan, kuwaasoo ka qayb gelaya wadahadalada.
“Shirka wada hadalku wuxuu ka dhici doonaa dalka Turkiga shan cisho ka bacdi, waxaanan halkan ka baxaynaa Axadda soo socota, aniga iyo wefti somaliland ka socda ee ka qayb gelaya”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirka ayaa daadifeeyay jiritaanka warar soo baxayay todobaadyadii la soo dhaafay oo sheegayay inay bur-bureen wadahadaladu “markaa wararkan laysla dhex marayo ee aanay waxba ka jirin inay dadku qaataan maaha, wada hadalo bur-burayna ma jiraan, waanan ka shaqaynaynaa”.
Dawladda Somalia kamay hadlin dhinaceedda qabsoomida shirkan shanta maalmood furmaya iyo inay u diyaar tahay.
Ma cadda ajandaha shirka wada hadalku wuxuu ku salaysanyahay, balse wuxuu sii ambo qaad u noqonayaa Kulamadii hore u dhacay, horaantii sanadkii tegay ee 2013.
Wajigan afaraad ee shirka wada hadalka ayaa baaqday tiroba laba jeer oo ay xukuumadda Somaiya dalbatay in dib loogu dhigo.
Shirarkii hore ayaa lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha dhaqaale waddaaga labada dal iyo sidii loo jeexi lahaa dariiq wada shaqayneed oo ku qotoma dhinaca amniga iyp isu socodka bulshooyinka, hase ahaatee dadka ku xeel dheer arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan inay taasi meesha ka saartay rabitaanka shacbiga somaliland ee qadiyadda gooni-isu taaga.
Somaliland ayaa gooni isu taag ku dhawaaqday sanadkii 1991-kii markii ay bur-burtay dawladdii dhexe Somalia, waxaanay doonaysaa inay dawladda somalidu madaxbanaanideeda ogolaato, inkasta oo aan qodobkaa marna lagu soo darin geedi socodka wada-hadalada.
Ma cadda in qodobkan hore loo soo qaadi waayay hada lagu soo dari doono ajandaha iyo in kale iyo in xataa shirka ay ka soo qayb-gelayaan dhexdhexaadiyeyaal Caalamka ka socdaa, balse wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa hore ugu celceliyay in loo baahanyahay in wada hadaladu ka miisaan weynaadaan arimihii hore looga wada hadlay.
“wada hadalada u socda Somaliland iyo Somalia waa bilow wanaagsan, laakiinse waxaa loo baahanyahay inay ka miisaan weynaadaan, halka iminka wax marayaan”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis bishii jully mar uu la hadlayay Golaha wakiillada.
Labada dhinac ee somaliland iyo Somalia ayaan midkoodna fulin waxyaabihii lagaga heshiiyay shirarkii hore ee dhacay, sida ka wada shaqaynta arrimaha Maamulka Hawada iyo qaybsiga dhaqaalaha loogu deeqo labada dhinac.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com