Madaxweyne Axmed-siiraanyo iyo xukuumadiisa murdiso waa inay ogaataa mudaharaadyada dalka ka bilaab-may inay hor-dhac u yihiin tabashada shacabka ee ku salaysan waxyaabaha asaaska u ah nolosha.
Kacdoonka shacabku kuma salaysna siyaasad, mana aha abaabul lagu ridaayo dawlada jirta,mana aha banaan-baxyo dan gaar ah ku qotoma ee waxa keenay talaabooyinka cidhiidhiga geliyay nolosha danyarta.Kuwaas oo ay ugu horeeyaan:
1.Mashaariicdii biyo gelinta caasimada oo ay dawladu ka been sheegtay.
2.Cashuuraha lagu cadaadinayo nolosha danyarta.
3.Cashuuraha wado marista oo qaali ku noqotay shacabka ku nool caasimada,wadooyinka halbawlaha caasimada dhex maraana bur-bureen.
4.Ciidanka RRU-da oo loo adeegsanayo danyarta.
Marka shacabka loo adeegsado afartaa qodob maxay dawladu ka filaysaa shacabka ma in loo sacabo tumo!Ha ka yaabin,naftu waxay u baahantay biyo ay ku noolaato,nabadgelyo ay ka hesho dawladeeda iyo ciidamadeeda,waxbarasho aan hagardaamo lahayn,ardayda oo ka madax-banaanaata qaadhaamada ay dawladu ururinayso,cashuurah oo wadooyinka loogu hagaajiyo iwm.
Waxa Madaxweyne Axmed-siiraanyo iyo dawladiisa looga fadhiyaa inay si dhakhsaa uga jawaabto qodobadan:
1.Mashaariicdii biyo gelinta ee lagu caawiyay dalka xagay mareen(Mashaariicdii Xunba-wayne iyo Geed-deeble).
2.Waxa dawlada ka hortaagan samaynta 2da wado ee halbawlaha caasimada dhex mara(Wadada idaacada ilaa airport-ka iyo wadada saldhiga dhexe ilaa kaah).
3.Awooda sharci ee xukuumadu ugu adeegsanayso shacabka ciidamada RRU-da ee loogu talo galay cadawga.
Waxan ku soo afjarayaa madaxweyne Axmed-siiraanyo iyo dawladiisu ha ku talo gasho shacabku inaanu joojin doonin mudaharaadyada salmiga ah ee ay ku muujinayaan dhibaatooyinka nolosha kala soo dersay ee ay xukuumadu ka masuul tahay.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL