Pages

Friday, January 3, 2014

Somalia: Nabad sugida oo Ganacsade caan ah xidhay


Muqdisho(GNA)-Ganacsade si weyn looga yaqaano Somalia,ayaa xalay Gurigiisa lagala baxay, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.




Cusmaan Xuseen Xareed ayaa Ciidamada Naabad sugida qaranka Somalia gurigiisa kala baxeen xili dambe, waxaanu degenaa degmada Dharkinlay ee magaalada Muqdisho.




Ciidanka ayaa la sheegay inay madaxa maro kaga duubeen, dabadeedna ay kaxaysteen, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goob-joogeyaal ahi.




Ma cadda Sababta ka dambeysa xadhigiisa, hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku darayaa inay dadka deegaanka ka cadhoodeen xadhiga Ganacsadahan.