Friday, January 17, 2014

Ciyaartooyda Arsenal Oo Wenger Ku Booriyay In Qarash Badan Bixiyo Si Laacibiin Cusub Kooxda Loo Keeno.


Arsenal-Arsene+Wenger+croppedwengerIlo wareedyo ayaa sheegaya in ciyaartooyda waa weynka ee ugu
muhiimsan Arsenal ay kulan la qaateen macalin Wenger oo ay ku booriyeen
in qarash badan uu bixyo si hishiisyo waa weyn oo dhanka weerarka ah
kooxda loogu keeno inta suuqa kala wareegga uu furan yahay .




Wargeyska Daily Star ayaa shegaya in ciyaartooydaas la kulantay Wenger
ay u xaqiijiyeen in saaxibkooda weerarka ee Olivier Giroud uu u baahan
yahay badel gaar ahaan maadaama uu dhaawacmay Walcott oo uu sii raacay
Nicklas Bendtner




Arsenal ayaa xagaagii hore la soo hishiisay laacibka da`da yar ee reer
France ee Yaya Sanogo balse dhaawac ayaa muddo fog ka fogeeyay garoomada
mana ku soo kordhin karo wax sidaa u sii weyn qadka weerarka Arsenal
maadaama qibrad sidaas u sii weyn uusan laheyn .