Thursday, January 16, 2014

Anderson oo u tagay Italy dhamaystirka heshiiska inuu ku biiro fiorentina.


andowlove Anderson 8 months ago Family time ...kids mums . Brother friendsCiyaaryahanka khadka dhexe ee aan laga dooneynin Manchester United Anderson ayaa u duulay Florence ka hor inta uusan tijaabada caafimaadka marin oo uusan amaah ahaan ugu biirin kooxda Serie A ka dhisan ee Fiorentina.




 




Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa u sheegay saaxiibo inuu doonayay in si joogta ah loo iibiyo si uu u helo waqti badan uu ku ciyaaro laakiin United ayaa ogolaatay kaliya waqti xaadirkaan heshiis amaah ah.




 




Anderson ayaa ka tagay subaxnimadii saaka garoonka Frankfurt ee dalka Jarmalka isagoo ka soo baxay Manchester, waxaana heshiiska amaahda la dhameystiri doonaa berri oo jimce ah.




 




Anderson ayaa u saftay United kaliya afar kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, guud ahaana sideed kulan.




 




Waxa uu United uga soo biiray Porto 2007dii isagoo lagu soo iibsaday 20 milyan ginni, waxaana uu guud ahaan kooxda u saftay 179 kulan isagoo dhaliyay sagaal gool.