Burco(GNA)-Maayarka Magaalada Burco Maxmed Muraad ayaa maanta shirjaraa,id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu si cad ugu Beeniyay war uu ku sheegay in la baajiyay oo sheegayay in shalay laysku dayay in la dilo.
Qaar ka mida Mareegaha Online-ka ayaa xalay baahiyay warar sheegaya in dhalinyaro hubaysani isku dayday inay dilaan Maayar muraad, rasaasna ku rideen.
Maayarku waxa uu sheegay inay tahay been aan sal iyo raad toona lahayn oo ah mid isku dhufanaysa shacabka Burco, isagoo ugu baaqay inay warbaahintaa qoraysa warbixinada wax u dhimaya sumcada iyo karaamada Gobolka ay ka waantoobaan, kana shaqeeyan horumarka gobolka.
Maxamed Muraad ayaa intaasi ku daray inaanu marnaba ka hadhi doonin cidii masuuliyada warkaasi ka soo fulay, oo uu ku dooday in shakhsiyadiisa lagu duray.
Mar ay war baahintu wax ka waydiisay inay jiraan shakhsiyaad ay si gaaraay isku hayaan ayaa uu maayirku sheegay inanay jirin cid uu garanayp hada ama uu sheegi karo oo ay is hayaan .
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office