Saturday, January 4, 2014

Burco:Maayirka oo beeniyay inuu dil ka badbaaday


Burco(GNA)-Maayarka Magaalada  Burco Maxmed Muraad ayaa maanta shirjaraa,id oo uu ku qabtay  xafiiskiisa waxa uu si cad ugu Beeniyay war uu ku sheegay in la baajiyay oo sheegayay in shalay laysku dayay in la dilo.




Qaar ka mida Mareegaha Online-ka ayaa xalay baahiyay warar sheegaya in dhalinyaro hubaysani isku dayday inay dilaan Maayar muraad, rasaasna ku rideen.




Maayarku  waxa uu sheegay inay tahay been aan sal iyo raad toona lahayn oo ah mid isku dhufanaysa shacabka Burco, isagoo ugu baaqay inay warbaahintaa qoraysa warbixinada wax u dhimaya sumcada iyo karaamada Gobolka ay ka waantoobaan, kana shaqeeyan horumarka gobolka.




Maxamed Muraad ayaa intaasi ku daray  inaanu marnaba  ka hadhi doonin cidii masuuliyada warkaasi ka soo fulay, oo uu ku dooday in shakhsiyadiisa lagu duray.




Mar ay war baahintu wax ka waydiisay  inay jiraan shakhsiyaad ay si gaaraay  isku hayaan ayaa uu maayirku sheegay inanay jirin cid uu garanayp hada ama uu sheegi karo oo ay is hayaan .




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office