Gobanimonews oo heshay xogo ku saabsan meesha laga soo geliyo gaadiidkan iyo in suuqa lagu kala iibsado Taarikooyinka.Warbixin
Hargeysa(GNA)-Saraakiisha Xafiiska Hant-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa xaqiijiyay inay Maanta qabteen Gaadiid lagu wato Bileedh nambaro Foojariya oo laga qab-qabtay gudaha Caasimadda Hargeysa.
Hantidhawrka ayaa todobaadkii hore soo bandhigay baabuur sharciyadda waddo maristoodu foojari tahay oo laga soo qab-qabtay Magaalooyinka dalka, kuwaasoo lagu soo qabtay hawl-gal ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.
Gaadiidka Maanta la qabtay oo tiradooda lagu sheegay laba Gaadhi oo waaweyn, ayaa lagu xidhay Kastamka Cashuuraha ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo wariyeyaal ka tirsan Gobanimonews ku soo arkeen.
Sidoo kale waxa xabsiga loo taxaabay wadeyaashii Gawaadhidan iyo Nin la sheegay inuu u foojari gareeyo Buugaagta waddo marista oo Burco lagu soo qabtay.
Sida uu Gobanimonews u sheegay Sarkaal sare oo qayb ka ahaa hawl-galka Baabuurtan lagu soo qab-qabtay oo ka tirsan Hanti dhawrka Guud, waxa wali lagu daba joogaa Baabuur kale oo iyaga laftoodu Taariko foojariya lagu wato .
“laba Gaadhi oo kale ayaanu qabanay, kuwo kalena waanu ku daba joognaa kolayna hawshu way socotaa”ayuu yidhi Sarkaalkan oo ka cudur daartay in magaciisa la shaaciyo.
Gaadiidka lagu isticmaalo Bileedhada foojariga ah, ayaa inta badan dalka laga soo geliyaa dhinaca Puntland, halkaasoo inta laga soo dejiyo dekeda Boosaaso.
Waxa la sheegay in halkaasi lagaga soo xidho Bileedho laga furay Gawaadhi Somaliland lagu wadan jiray oo fadhiistay ama qaar dhacay oo bur-buray.
“waxaanu ogaanay in Baabuurtaa dhinaca Puntland inta lagala soo dego dabadeed bileedho baabuur dhacday ama kuwo si kale u fadhiistay lagu soo xidho, iyadoo lagala cararayo cashuurta dekeddaha somaliland”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay sarkaal laamaha amaanka ka tirsan oo arrintan ka hadlay.
Saraakiisha ku foogan baadhista kiiskan, ayaa intaasi ku daraya in habacsanaan ka jirta Hay’addaha waddo marista iyo kuwa Cashuuraha ee Kastamadda gaadiidkan laga soo geliyaa sabab u tahay arrintan.
Gaadiid tiro badan ayaa sanad kasta laga soo geliyaa xuduudaha dhinaca Barri ee somaliland, kuwaasoo qaarkood markiiba la sii iibiyo, qaarna dadkii lahaa gudaha dalka ku wataan, waxaanay taasi abuurtay in iminka markii ay Hanti-dhawrku fashiliyeen dareen amni ka dhasho.
Inta badan dadka farsamadan tuugada ah ku soo geliya waddanka Gaadiidka ayaa la sheegay inay suuqa ka iibsadaan Bileedhada ay isticmaalaan, waxaana lagu waramayaa inay Hay’addaha amaanku ku daba joogaan qaar ka mida dadkii ka iibiyay baabuurta la qabtay maalimii ugu dambeeyay.
Dekeddaha Somaliland ayaa Gaadiidka lagu cashuuraa lacag aad u badan, taasoo inta badan culays ku ah dadka aan jeebkoodu wanaagsanayn ee Baabuurta la soo degaya.
Waxaana muuqata inay taasi sababtay in tuugadan loo badheedho.
Xukuumadda somaliland ayaan ilaa hada wax qorshe ah oo cad arrintan ka soo saarin, marka laga yimaado ugaadhsiga Hanti-dhawraha guud ku bar-tilmaameedsanayo Gawaadhidaasi.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com