Garoowe(GNA)-Digreeto kasoo baxday Wasaaradda Maaliyada dowlada ayaa lagu sheegay in la joojiyay Isticmaalka iyo soo dejinta Jirigaanada biyaha lagu shubto ee 100 illaa 200 oo Litre qaadka ah.
Dawladda ayaa sheegtay in Jirikaanadan Warshaduhu ay ku isticmaalaan kiimiko Sun ah oo dhibaato ku ah Bulshada ka hor inta aan dalka la keenin ,waxaana la faray Bulshada inay joojiyaan Isticmaalka Jirigaanada inta u dhaxaysa 16/11/2-013 illaa 30/11/2013.
Saraakiisha Dekeda,Maaliyada iyo illaalinta canshuuraha ayaa wada dhaqdhaqaaq balaaran oo ay kaga hortagayaan in Dekeda Boosaaso laga soo dajiyo Jiriganada ay dowlada Puntland mamnuucday.