Bangiga oo joojiyay Bedelka lacagta Jeex-jeexan ee Somaliland iyo Guddoomiye Cabdi Dirir oo sheegay in lacaga qalaad sicir bararka sabab u yihiin.Akhri
Hargeysa(GNA)-Bangiga dhexe ee Dawladda Somaliland ayaa joojiyay Bedelka lacagaha Jeex-jeexan iyo ta dabka lagu gubo, sida lagu sheegay Boodhadh fariimo lagu xardhay boodhadh lagu xidhay Magaalooyinka dalka todobaadyadii ugu dambeeyay.
Talaabadan ayaa cabaqad ku noqon karta Bulsho weynta, siiba Ganacsatada shilinka wax ku iibiya iyo Sarifleyaasha oo inta badan lacagaha isku xidhan ee ay tafaariiqeeyaan kala kulma lacag badan oo googo’an iyo mid si khaldan laysugu dhejiyay oo Xidhmooyinka isku xidhan lagu dhex daro.
Madaxda Bangiga Somaliland, ayaa sheegay in arrinta looga danleeyahay si bulshada cadaadis loogu saaro inay ka qayb qaataan Ilaalinta lacagta dalka , sida uu sheegay Guddoomiyaha Bangiga Cabdi Dirir Cabdi oo Maanta u waramay mareegta Gobanimonews.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in talaabadan lagu soo afjarayo dayaca lacagta dalka ee ay bulshadu caadeysatay,isagoo xusay in lacagta googo’an ay waxyeelo ku tahay dhaqaalaha dalka.
“Ujeedada aanu ka leenahay joojinta bedelka lacagta jeexan iyo ta gubatay waxa weeye inaanu bulshada ku cadaadino ama aanu ku dhiiri gelino inay ilaaliyaan shilinkooda oo ay dhaqaaleeyaan, taas ayaanu doonaynaa inay dadku ku dedaalaan”ayuu yidhi Cabdi Dirir Cabdi.
Guddoomiye Dirir ayaa sidoo kale bulshada u soo jeediyay “Sixir Bararka waxa inoogu wacan waa lacagta qalaad ee waddanka laga isticmaalo, dadkeenuna iskuma taxalujiyaan inay lacagtooda ilaaliyaan, markaa taas annagoo ka duulayna waxaanu bulshada u soo jeedinaynaa inay lacagta dalka ilaaliyaa”.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baanka dhexe ee dalka Cabdi Dirir Cabdi waxa uu markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in Sicir bararka soo noqnoqda ee dalka ka jira ay sabab u yihiin Lacagaha qalaad ee Dollarku ka mid yahay.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Lacagta Dollarka ah ee ZAAD-ka lagu isticmaalaa qayb ka tahay sicir bararkaasi, isagoo ku dooday in loo baahanyahay in lacagta ZAAD-ka lagu bedelo shilinka Somaliland.
“Annagu Bangi ahaan waxaanu aaminsanahay in Sixir Bararka dalka ka jira ay inoogu wacantahay Lacagaha qalaad ee aynu isticmaalno oo Dollarku kow ka yahay, manuu yimaadeen hadii lacagta dalka la isticmaalo oo Shaaha Makhaayadaha laga cabayo Shilinka Somaliland lagu bixiyo oo dadku aaminaan lacagtooda, la iska daayo Dollar-ka lagu isticmaalayo Zaad-ka iyo wax kasta”ayuu yidhi.
Guddoomiyaha ayaa xusay inay qorshaha ugu jirto sidii Zaadka loogu bedeli lahaa Shilin, si la mid ah sida looga isticmaalo dalalka adeegan laga isticmaalo.
“waxa noo qorsheysan inaanu lacagta Zaad-ka lagu isticmaalo u bedelno lacagta shilin-ka Somaliland ah, waanan kala hadalnay shirkadaha oo wali way socotaa, waayo waddamada adeegan laga isticmaalo oo dhan waxa lagu isticmaalaa lacagaha dalku leeyahay, markaa kana sidaasoo kale ayaanu doonaynaa inaanu ka dhigno”ayuu yidhi.
Ugu dambeyna waxa uu sheegay “Hadii la iska daayo lacagaha qalaad ee la isticmaalayo waxaan qabaa inuu meesha ka baxayo sicir bararku, markaa taas ayaanu ka duulaynaa” .
Hadalkan Guddoomiyaha ayaa imanaya xili Lacagaha qalaad ee dalka laga isticmaalaa cidhiidhi xoogan ku hayaan shilinka somaliland , isla markaana ay dadku qaadashada lacagta dalkooda ka door bidaan Dollarka fudud ee Shandada jeebka lagu qaato.
Taasoo ay dheertahay lacag Gaadhaysa Milyan Dollar oo iyaduna ku wareegta Adeega Zaad, taasoo saameyn dhaqaale ku keentay Bulshada, inkasta ay daruuri u tahay baahiyaha lacag dirista ee deg-dega ah, lagagana maarmay nidaamkii Xawaaladaha ee wakhtiga la sugi jiray.
Si kastaba ha ahaatee Bangiga ayaa hadii talaabooyin arrimahan lagu xakameynayo qaado, wax badan ka bedeli kara dhaqaalaha waddanka.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com