Pages

Wednesday, November 20, 2013

Farshaxanka Caanka ah Amiin Caamir oo Weerar kala Kulmay Taageerayasha Wasiir Xirsi Kadib Markii Ay Ka Cadhoodeen Sawirkii uu ku Cabiray Wasiir Xirsi & Wadada Ceerigaabo.


(GNA) Farshaxaniistaha Soomaaliyeed ee ku caan baxey Sawir kartoonka ka hadlaya Wacyiga ka taagan hadba Dhulka ay Soomaalidu ku nooshahay ee Maamulada kala duwan ee dalalka Koonfurta Soomaaliya, & Dalka Somaliland iyo meelo kaleba , Amiin-Caamir  ayaa ku tilmaamay fariino hanjabaado ah oo uga imanaya taageeryaasha Wasiirka Madaxtooyada Xirsi kuwa aan fahamsaneyn macnaha dimuqraadiyada Islamarkaana, wakhtigan baalmarsan sidii ay




ugu riyaaqi jireen Sawir farshaxameedkiisa xiligii Xukuumadii Rayaale.




 




Amiin Caamir oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews xog waran kooban kasiiyay Fariimo cay iyo aflagaadooyin ah oo Moobilada(Tex-massages)  ilaa shaley ugudbinayeen dad la abaabuley oo taageersan Wasiir Xirsi kadib markii uu farshaxanka Sawirada kartoonkiisa ee Todobaadkan kusoo bandhigay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan  oo ay ku filaan-weyday lacagihii uu ka daldalayey dalka Gudihiisa oo usoo gudbey dhinacii Qurbaha, sida uu udhignaa Kartuunka Sawirkan oo aad usoo jiitey Guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland ee Gudo iyo dibadba waxa uu dhinaca kale ka cadheysiiyay taageeryaasha mudooyinkii u dambeeyay cariga ingiriiska Saxmada ugu abuurayay Wasiir Xirsi kuwaas oo inta badan lagu tilmaamay in aanay laheyn dulqaad ay dhabarka ugu ritaan dhaliilaha loo jeedinayo ee Xoriyatal-qowlku fasaxey.




 








 




 




 




 




 




Waxa kale oo Amiin-Caamir farta ku fiiqey in aanu waligii joojineyn mawaadiicda farshaxankiisa ee ku wajahan xaaladaha ka jira Gayiga Soomaalida isagoo, u quus goynaya abaabulkii fariimaha moobilada ee loogu gudbiyay hanjabaada iyo aflgaadooyinka oo u badnaa cariga ingiriiska ee Xirsi ku sugan yahey.




 




Sikastaba ha ahaatee inta ugu badan ee Bulshada Reer Somaliland gudo iyo dibadba ayaa inta aad u xiiseeya kartoonka sawirada Farshaxnak Amiin-Caamir ee uu kaga hadlo wacyiga Somaliland gaar ahaana Xukuumada Siilaanyo iyo awoodaha is duqeeya, isagoo Caamir xusey in inta wakhtigan ku maageysa Sawirada kartuunku yihiin intii ugu badneyd ee ku riyaaqi jirtey xiligii Xukuumadii Rayaale sawirada uu ka diyaariyo.




Xigasho-Hadhwanaagnews.com