Pages

Saturday, October 12, 2013

Xulalka Ilaa Iyo Haatan U Soo Baxay Koobka Adduunka Ee 2014 Ka Dhacaya Brazil iyo Ethiopia iyo Nigeria oo ciyaar dhex mari doonto beri.



Ka dib markii xalay ay booskooda Koobka Adduunka xaqiijisteen xalayto xulalka Germany, Belgium, Switzerland iyo Colombia waxaan eegi doonaa xulalka ilaa iyo haatan u soo baxay Koobka Adduunka ee 2014.




Ilaa iyo haatan 14 xul ayaa u soo baxay Koobka Adduunka oo ay ku jirto xulak martigelinaya ee Brazil. Waxaa haray 18 xul kale oo dhameystira 32da xul ee ka qeybgalaya Koobka Adduunka.




Afrika ayaana caawa ciyaareysa kulamada ugu soo horeeya ee wareega ugu danbeeya ee isreebreebka Koobka Adduunka, laakiin lama xaqiijin doonta 5ta xul ee Afrika u mataleysa Koobka Adduunka ilaa iyo bartamaha bisha soo socota.




Xulalka Soo Baxay Ilaa Iyo Haatan:




Latin America: Brazil (Martigeliyayaasha), Argentina iyo Colombia.




Asia: Japan, Australia, Iran iyo South Korea.




Europe: Netherland, Italy, Belgium, Germany iyo Switzerland




Bartamaha Iyo Waqooyiga Amerika: Costa Rica iyo USA.




Xulka ku yaala Bariga Afrika Itoobiya ayaa 180 daqiiqadood ay ka xigtaa inay u soo baxaan markii ugu horeysay Koobka Adduunka abid, laakiin waxa ay wajahayaan xulka heysta Koobka Qaramada Afrika ee Nigeria oo ku jira qaab ciyaareed wanaagsan.




Nigeria ayaana berrito booqan doonta lugta hore ee wareega ugu danbeeya ee isreebreebka Koobka Adduunka magaalada Addis Ababa halkaasoo ay ku wajahayaan xulka Itoobiya.




Inkastoo labadaan xul ay isku heer aheyn hadana Abuja iyo Addis Ababa labada magaalo waxaa ka jirta rajo weyn oo ku aadan xulkii u soo bixi lahaa kama danbeysta Koobka Adduunka oo sannadka danbe ka dhacaya Brazil.




 




 




Itoobiya ma ka yaabsan doontaa adduunka oo maka talaabsan doontaa xulka Afrika ugu fiican haatan ee Nigeria mana u soo bixi doontaa markii ugu horeysay abid Koobka Adduunka.




Mise Nigeria ayaa si sahlan oo dhib la’aan ah ku gaari doonta Koobka Adduunka. Sadaal ka bixi kulanka berrito ee lugta hore. Ka qeyb qaado codbixinta hoose. Waxaana natiijada codbixinta soo bandhigi doonaa berrito Insha Allah.