Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa xiiseynaya inuu la soo wareego xidiga wacdaraha ka dhigay Premier League ee u ciyaara kooxda Westbromwich Albion Saido Berahino.
Arsene Wenger ayaa ku daray liiska ciyaartoyda uu doonayo inuu la soo wareego marka uu suuqa kala iibsiga furmo Janaayo.
Saido Berahino ayaa xilli ciyaareedkan si wanaagsan kula bilowday kooxdiisa Westbrom, isagoo dhaliyay mid ka mid ah goolashii ay uga badiyeen Manchester United, guushan ayaa aheyd tii u horeysay ee kooxda ka gaarto tan iyo sanadkii 1978-dii.
Ciyaarayahankan oo ka mid ah ciyaartoyda da’dooda ka hooseyso 21-jirada Xulka Ingiriiska ayaa kooxdiisa Westbrom dooneysa inay qandaraaska u kordhiso.
Kooxda Arsenal ayaa ka cabsi qabta inuu dib u dhac ku yimaado weerarkeeda, maadaama ay heysato hal weerar oo kaliya Oliveir Giroud, waxaana ay hubtaa in wax kasta ay ku dhici karaan xidigan Faransiiska u dhashay.
Arsenal ayaa waxaa dhaawac uga maqan ciyaaryahano muhiim ah, sida Padolisky, Cazarola, Yaya Sanogo, Sagna iyo kuwa kale, waxaana jira wal wal badan oo kooxda ka heysta dhinaca ciyaartoyda muhiimka ah oo aanay u heyn bedel fiican.