Pages

Saturday, October 12, 2013

Tottenhamn Oo Bisha june Si rasmi Ah Ula Soo Wareegeysa Keisuke Honda



Kooxda Tottenham ayaa qorsheyneysa in bisha Janaayo ay beeca xorta ah kula soo wareegto Xidiga reer Japan Keisuke Honda oo bartilmaameed u ah kooxo badan oo Yurub ka dhisan.




Honda ayaa qandaraaska uu kula joogo CSKA Moscow waxaa uu dhacayaa dhamaadka bisha December ee sanadkan, waxayna taas wadada u fureysa inuu si xor ah ugu biiri karo kooxda uu doonayo.




Ciyaaryahankan ayaa ka caga jiidaya inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa CSKA Moscow oo ka qeyb galeysa Tartanka Kooxaha Horyaalada Yurub.




27-jirkan ayaa waxaa uu u dhowaa xilli ciyaareedkan kooxda reer Talyaani ee AC Milan, waxaana ay goor dambe ku guuldareysatay inay la soo wareegto.




Honda ayaa waxaa xiiseynaya kooxaha Manaco ee dalka Faransiiska, Liverpool iyo Juventus, waxaase la hubaa in bisha Janaayo uu bilaaban doono loolan loo geli doono xidigaas marka uu furmo suuqa kala iibsiga.