Pages

Saturday, October 12, 2013

SL: Khubaradda Dhaqaalaha iyo Mucaaridka oo Toosh ku haya lacago hab Sharci daro ah loogu Lunsanayo Miisaaniyadda Xukuumadda ee 2014-ka






Hargeysa(GNA)-“Wasaaradda Madaxtooyadda oo maamusha 30 oo Shaqaale ah, waxa Miisaaniyadda ugu jira Lacag toban Jibaar ka badan Kharashka ay ku shaqayso”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Khabiir dhaqaalaha ku Takhasusay.




Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa isaguna si weyn dhaliilay Odoroska Miisaaniyad-sanadeekda 2014-ka oo haatan dooddeedu ka socoto Golaha Wakiillada Somaliland.




Xubno ka mida  masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga WADDANI  oo shir Jaraa’id ku qabtay  magaalada Hargaysa, ayaa bulshada u soo Bandhigay dhaliilaha  Muuqda ee kujira miisaaniyada  wasiirka maaliyaddu dhawaan Golaha u soo Gudbiyey, waxana ay Golaha usoo jeediyeen in aanay ansixin miisaniyadan ee ay kafiirsadaan dhaliilalaha iyo ceebaha ku jira .




Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Qaasim Sheekh Ibraahim oo Ugu Horrayn Halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in Miisaaniyaddani tahay mid kala qaybinaysa Bulshada reer Somaliland, Guddoomiye Qaasim ayaa sheegay inaanay umadda Somaliland Geyin in miisaaniyad qaabkan u dhigan lagu sii daayo,“waxanu Halkan ka sheegaynaa in aanaan raali ka ahayn Odoroska Miisaaniyadda Golaha Wakiillada oo aanu u aragno mid aan ku habboonayn Dalkeena xilligan la joogo, waxanu labada Gole iyo dadka jecel Somaliland Horumarkeedaba u sheegaynaa in miisaaniyaddani siddo xanuun Badan,” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka WADDANI Mudane Qaasim.




Wuxuu intaas ku daray “miisaaniyaddan waxa iskaga khaldan oo aanay kala garanaynba wasaarad iyo Hay’ad, waxana ka muuqda in 11-wasaaradood ay la miisaaniyad yihiin Hay’ad aan wax ala iyo wax ay qabato la garanyn oo la yidhaahdo Hay’adda Abaabul-ka-saarka qaranka(NDC)”ayuu yidhi.




Xasan Xuseen Codyare oo dhinaca Hantidhawrka u qaabilsan Xisbiga Waddani ayaa isaguna qaab cilmiyeysan oo Hufan u soo bandhigay meelaha ay miisaaniyaddani ka dheeliday, waxana uu sheegay in si taxadar leh loo eego miisaaniyaddan, “miisaaniyaddani maba ahayn in Golaha doodeeda la keeno, waayo waxa ka horreeyey in xisaab-xidhkii sanadkii hore la keeno Golaha dhexdiisa, Deeqo la bixiyo oo waddama qaarkood ina siiyaan ayaa jira oo dhinaca miisaaniyada lagu muujiyey in dhinaca ingiriiska iyo Denmark ka yimaadeen oo $13.5milyan ay tahay, miisaaniyadda dhinaca dakhliga waa lagu qoray laakiin kharashkii meeshii uu galayey laguma qorin, kolay madaxda Afrika dollarka way iska jecel yihiin in cid meel loo dhigayna waan u malaynayaa.” Ayuu yidhi Codyare.




Waxa kale oo uu Codyare farta ku fiiqay Hay’adaha madaxa Bannaan ee qaranka oo uu sheegay in sanadkan laga waawey dakhligii ay soo saari jieen, waxana uu xusay in dakhligoodii madaxtooyadu afka u dhigatay, waxana uu yidhi, “ Hay’adaha madax Bannaan ee inoo shaqeeya ee shaqada inoo qabtaa, waxa ay ahayd inay dakhliga kordhiyaan oo dhaqaale waddanka ku biiriyaan, markii aynu ogaynna way ku biirin jiree, laakiin maanta wixii ay ku biirin lahaayeen waxa qaatay madaxtooyada, waana Hay’ado Miisaaniyaddiina ka hadhay dakhligoodiina meel kale ayaa loo leexiyey.”




Waxa uu xasan xuseen codyare sheegay sharci darro ku tilmaamay lacago ka muuqda miisaaniyadaha wasaaradaha oo lagu magacaabo mid dayn ah, waxana uu tilmaamay inay lacagahaasi sharciga baalmarsan yihiin, waxana uu yidhi, “waxa jira lacago duuduuban oo miisaaniyadaha wasaaradaha la geliyo oo Biilasha taagan la yidhaahdo, waxana ay ku sheegaan Daymo nalagu leeyahay, waxana meesha loogu soo daray kharash ahaan waana sharci darro”ayuu yidhi.




Hanti-dhawraha WADDANI Xasan xuseen codyare waxa uu shacabka u tilmaamay in iyadoo la caddeeyey inay mamnuuc tahay in shaqaale ku meel gaadh ah la qaato, haddana si hoose loo qaatay shaqaale, waxana uu yidhi, “Miisaaniyadda Gudaheeda waxa lagu caddeeyey inaanu wax shaqaale ah la qori Karin sanadkan, haddana waxa la qaatay shaqaale ku-meel gaadh ah oo mar hore la mamnuucay, arrintaasina sharciga ayey ka hor imanaysaa.”




Mar uu Codyare ka Hadlayey Hay’adaha sharcidarrada ah ee Haddana miisaaniyadda lacagta loogu daray, waxana uu Bannaanka keenay in lacag aad u tiro badan uu wasiirka maaliyaddu si gaar ah oo madaxtooyadu la ogtahay uu khasnadda ugula Hadhay, waxana uu yidhi,“Hay’adaha sharcidarrda ee meesha ku jira waa 11-hay’adood oo ay ugu weyn tahay waaxda Khasnadda oo ka mid ah wasaaradda Maaliyadda oo Agaasimaha Guud hoos tagta, waxana lagu qortay $165-Billion, lacagtaana wax saxeexeeda leh wasiirka oo isagu gaar u leh miisaaniyad waxana marka la iskugu geeyo$215-Bilyan ayuu keligii maamulaa, waxana la og madaxooyada lacagtaas khasnadda lagu qarsaday.”




Codyare oo ka hadlaya tirada shaqaalaha dawladda oo si qarsoodi ah tiro aan hore loogu ogayn miisaaniyaddan loogu sheegay ayuu yidhi, “shaqaalaha sharciga ah ee dalku waxa inoogu dambaysay iyagoo maraya30- kun maraya, waxana ay maanta marayaan sida la sheegayo 47-kun, waana la arkayaan shaqo la’aanta haysata da’yarteeniiye goormaa la qoray waxaas oo shaqaale ah, waxana la rabaa in la caddeeyo xilliga dadkaas la qaatay, Liiska shaqaalaha xukuumadda oo Derajaysanina miisaaniyadda wuu ka maqan yahay, waxana looga baahnaa inuu miisaaniyadda ku lifaaqnaado iyadoo Hay’adda Shaqaaluhuna soo saxeexday, mase hayno.”




 Miisaaniyadda sanadkan xukuumaddu soo gudbisay oo gaadhaysa 152 Milyan oo Dollar, ayay isa soo tarayaan dhaliilaha laga soo jeedinayaa, waxaana ka mid ah Meelaha sida weyn loo hadal hayo qaar ka mid ah wasaaradaha oo lacago qayrul macquul ah loo qoondeeyay “Wasaaradda madaxtooyada waxa ugu jira Miisaaniyadda lacag lagu sheegay baahiyaha deg-deg ah oo aan la garayn waxay yihiin, waa wasaarad shaqaalaheedu aanay gaadhayn 30 qof, Goboladdana wax xafiis ah kuma laha, hadana waxa u qoran lacag aan caadi ahayn”sidaasi waxa yidhi Khabiir ku takhasusay arrimaha  Dhaqaaleha oo magaciisa qariyay sababo la xidhiidha xaaladihiisa u gaarka ah.




Golaha wakiiladda Somaliland ayaa Muddo todobaad gaadhaysa ku gudo jira doodda Miisaaniyadan, waxaana dadka arimahan taxliiqiyaa ku talinayaan in dib loogu celiyo xukuumadda iyo in Guddi madaxbanaan oo muddo dib u soo eegta loo saaro.




Waxaana hadii aan labadaa arimood midkood la yeelin oo sidan lagu ansixiyo  laga walaacsanyahay inay dhibaatooyin dhinacyo badan saameynaya dhaqaalaha waddanka ku keento , isla markaana looga faa’idaysto arimo loolanka siyaasadda ku saabsan iyo Lunsi kale, balse waxa loo badaniyaa in Goluhu aanay arimahaasi dheg-jalaq u siinin, lagana awood bato hadii cod loo qaado Mudaneyaasha u jan-jeedha dhinaca Mucaaridka.




 




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com