Boorame(GNA)-Waxa Maanta ka furmay Magaalada Boorama kal-fadhigii 26aad ee Golaha Sare Ee Dalada SONYO, kaasoo sanadkan lagu qabtay halkaasi.
Shirkan oo furitaankiisii ay ka qayb-galeen Maamulka Gobolka Awdal iyo ka degmada Boorama, xubno ka socday Hogaanka Daladda Sonyo iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama, waxa ka qayb-gelaya 19ka xildhibaan ee laga soo doortay gobolada Jamhuuriyada Somaliland ee Daladda SONYO.
Guddoomiye ku-xigeenka Dallada SONYO Mustafe Maxamed Daahir oo furitaankii kal-fadhigan ka hadlay, waxaanu sheegay in shirkan oo muddo laba maalmood ah socon doona ay natiijo wanaagsan ka filayaan.
uu yidhi “Waxa Magaalada Boorama ka furmay kalfadhigii 26aad ee Golaha Sare Ee Dalada SONYO, waxa aan rajaynayaa in mudada 2da maalmood ah ee uu socdo ay ka soo bixi doonaan qodobo wax ku ool ah oo wax ka tara baahida dhilinta Somaliland maanta qabto isla markaana u adeegaya mabaadiida loo aasaasay dalada SONYO”
Gudoomiyaha Dalladan Mubaarik Ismaaciil Taani oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay siyaasadda Dallada ka mid tahay in afartii biloowba kulan noocan oo lagu daraaseeyo hawlaha Ururka Golaha Dalladu yeesho, si dib wax lays-saga waydiiyo baahiyaha dhalinyarada iyo horumarka la gaadhay.
“ waa siyaasada dalada in afartii bilood ee kastaba dib loo eego hawlaha ay dalada heer qaran ee SONYO ku foogan tahay ee ay u hayso dhalinyarada Somaliland oo dhan, waxa kalfadhigan lagaga wada hadli doonaa waxyaabo badan oo quseeya hormarka dhlinyarada Somaliland, baahida maanta jirta iyo duruufaha ku gadaaman dhalinta iyo sidii looga gaashaaman lahaa, mudada uu kalfadhigu socdo waxa aan dib u eegis ku samayn doonaa waxyaabahii dalada u qabsoomay afartii bilood ee la soo dhaafay, sidoo kale waxa aan ku qorshayn doonaa waxyaabaha u baahan in diirada la saaro ee la qaban doono afarta sano ee soo socota”
Guddoomiyaha Dalladda SONYO, waxa uu sidoo kale tacsi ka diray Khasaaraha Tahriibta ka dhashay, khaasatan dhimashadii ugu dambeysay “Waxa ay dalada SONYO tacsi u diraysaa dhamaan qoysaska reer Somaliland ee ay dhalintiidu ku naf wayday masiibada heer qaran ee tahriibta, waan dareensanahay inay Tahriibtu tahay masiibo qaran, waan ka xunahay dhalinta ku nafwayday, waxana aan ku baaqaynaa in talo qaran laga yeesho”ayuu yidhi.
Maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi oo isna munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa xusay in Sonyo horumar balaadhan ka samaysay qorshaha horumarinta da’yarta ay metesho.
“ Waa hubaal inay SONYO soo saartay dhalin badan oo maanta hanaanka talada dalka iyo siyaasada ka qayb qaata, sidaas oo kale waxa SONYO ka soo baxay dhalin badan oo wax tar u leh bulshada, waxana hubaal ah in hadii rag badan oo maanta axsaabta siyaasada ku jira ay ahaan lahaayeen kuwo carbisan hadii ay bahda SONYO ku jiri lahaayeen isla markaana ay hufnaan kaga qayb qaadan lahaayeen toosinta iyo tusaalaynta masiirka umada Somaliland maanta”
Maayar Saleebaan isaga oo hadalka sii wata waxa uu intaasi “Mar hadii SONYO wax badan ka midho dhalisay hiigsiga himiladaasi, waxa loo baahan yahay in culayska iyo tamarta ay isugu gayso sidii ay bulshada uga wacyi galin lahayd masiibada TAHRIIBRA oo maanta ah dhibaato balaadhan oo dhalinteena u soo hoyatay”ayuu yidhi.
Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Maxamed oo isagu kal-fadhigan si rasmi ah u furay, maadaama loogu marti yahay Gobolkiisa, ayaa dar-daaran balaadhan u soo jeediyay dhamaan ka soo qayb-gelayaasha Shirkan iyo dhalinyarada Somaliland.
Cabdoo Axmed Aayir, ayaa sidoo kale amaanay Yoolka Dallada Sonyo, waxaanu u soo jeediyay inay ka faa’idaystaan Martabadda Dhalinyaro ee ay haystaan.
“SONYO waxa ay astaan u tahay dalku sidii uu isugu xidhmi lahaa maadaama oo xooga dalku u badan yahay dhalinyaro, sidoo kale dhalinyaradu waa awooda qaran leeyahay ee uu ku fadhiyo.
Mar hadii aaad tihiin dhalintii iyo xoogii dalka ee maata iyo sidoo kale madaxdii dalka ee barito, waxa la idiinka baahan yahay inaad u guntataan in daad dalkiina dib u dhis ku samaysaan isla markaana aad taageero u noqotaan in la taabo galiyo nidaamka dawliga ah ee dalkeena ka jira oo u baahan in la baxnaaniyo oo la sii taaba galiyo”- “ waana hubaal wax badan oo is jiidjiidasho ah oo ka jirta dalka in aad dhalinyaro ahaan tihiin cida kaliya ee dhex u noqon karta oo kan qaldan qaban karta kan saxana hiilka u noqon karta”ayuu yidhi.
“ Waxaan aan ku faraxsanahay in dhalintu maanta ay qayb ka noqoto hanaanka dawliga ah ee dalka oo ay baryihii hore ka madhnaan jireen, waxana loo baahan yahay inaad sida ugu haboon uga faa’iidaysaan mansabka dhalinyaro nimo ee aad xambaarsan tihiin, noqdana kuwo dhalinta ka wacyigaliya Tahriibta maanta masiibada ah, una sheesha dhalinta inay ka waantoobaan” ayuu kula dardaarmay. Cabdoo.