Man United, Chelsea iyo Arsenal ayaa dhamaantood ay dhegta u taagan tahay ka dib loo sheegay in Karim Benzema uu suuqa kala iibsiga saaran yahay bisha Janaayo, sida ay ku warameyso jariirada Sunday People.
Wargeyska Ingariiska ka soo baxa ayaa sheegaya in Real Madrid ay ku wargelisay wakiilada Karim Benzema inay u raadinayaan koox kale bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
Benzema ayaa qaab ciyaareed xun ku jira, isagoo ay ku adag tahay inuu shabaqa u soo taabto Real Madrid islamarkaana qaab ciyaareedkiisa uu hoos u dhacay taasoo keentay in shaki la geliyo mustaqbalkiisa kooxda.
Madrid ayaa dooneysa inay dib u soo ceshto 17 milyan ginni oo ka mid ah 25kii milyan ginni ee ay Benzema uga soo iibsadeen Lyon afar sanno ka hor..
Waxaana seddexda kooxood ee wargeyska Sunday People uu carabaabay ay yihiin kooxo u baahan inay awood dheeri ah ku daraan weerarkooda.