Sunday, October 6, 2013

Man United Oo Lacag Iyo Antonio Valencia Ku Bedalaneysa Leighton Baines.


Wargeyska Mail on Sunday ayaa qoraya maanta in kooxda heysata horyaalka Ingariiska ee Manchester United inay qorsheyneyso inay dalab lacag kaash ah iyo Antonio Valencia u gudbin doonto Everton bisha Janaayo si ay u hesho Lieghton Baines.




Daafaca bidix ee reer England ayaa xagaagii ku dhawaa inuu u wareego Man United, laakiin labada kooxood ayaa heshiis ka gaari waayay, iyadoo Moyes uu dalab 36 milyan ginni uu ka gudbiyay isaga iyo Fellaini, laakiin United ayaa heshay kaliya Fellaini ka dib markii dalabkaas wadajirka ah la soo diiday.




Baines ayaana ilaa iyo haatan ka caga jiidaya isku day ay ku dooneyso Everton inay heshiis cusub uga saxiixdo, waxaana tababare Moyes uu isku dayayaa inuu mar kale u tafaxeyto soo xerogelinta ciyaaryahankiisii hore Bianes.




Sida Mail on Sunday ay qoreyso maanta United ayaa 15 milyan ginni oo uu la socdo Antonio Valencia u gudbin doonta kooxda ka dhisan Goodison Park si ay u helaan daafacan bidix.




Waxaa lagu soo waramayaa in tababaraha reer Scotland uusan kalsooni ku qabin qaab ciyaareedka Patrice Evra islamarkaana waxa uu doonayaa in bisha Janaayo uu la soo wareego daafac bidix iyadoo sidoo kale Fabio Coentrao uu diirada u saaran yahay.