Sunday, October 6, 2013

Jose Mourinho oo Ku Faanay Inuu Yahay Tababarihii Ugu Fiicnaa ee Soo Mara Madrid.


Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegtay inuu yahay tababarihii ugu fiicnaa ee soo maray taariikhda Real Madrid.




Macalinka reer Portugal ayaa ka tagay kooxda ka dhisan caasimada Spain xagaagii, ka dib markii xilli xun uu ku qaatay xilli ciyaareedkiisii ugu danbeysay ee Santiago Bernabeu.




Si kastaba, marka uu qiimeynayo seddexdii sanno ee uu joogayo Madrid, Mourinho ayaa aaminsan in howshii uu qabtay kaliya ay u hadleyso.




“100 dhibcood, 121 gool, waxaana horyaalka ka qaadnay kooxdii ugu fiicneyd ee Barcelona soo marta abid” ayuu Mourinho u sheegay ESPN.




“Yaa ah tababaraha ugu fiican taariikhda kooxda Real Madrid?  Waa aniga. Aniga ayaa ah tababarahaas.”




Markii la weydiiyay hadii kooxihiisa ay inta badan yihiin kuwa difaac kaliya ku tashada, Mourinho ayaa hore ka diiday fekerkaas.




“Real Madrid miyaa aheyd koox difaac kaliya ku jirta? Waxaan dhaliyay hal xilli ciyaareed kaliya 121 gool waxaana horyaalka ku qaadnay 100 dhibcood” ayuu ku dooday Special One.




Mourinho ayaa ku guuleystay La Liga iyo Copa del Rey mudadii uu joogay Madrid, waxaana uu seddex jeer oo isku xigta uu geeyay semi-finalka Champions League.