Pages

Saturday, October 5, 2013

Halista Caruurta Sigaar ka lagu ag cabo


(GNA) Ubadka aadka u yaryar ee waalidkood amma dadka ka qoyska kala tirsan sigaarka ku dul cabbaan, ayaa la caddeeyey inay noloshooda dambe noqdaan qaar bulshada ka soocma oo dabeecaduna ka xumaato.




Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro reer Kanada ah, ayaa sheegtay in qiiqa sigaarka ee carruurtu naqas ahaan u qaato inuu dhaawac ku keeno maskaxda ubadka da,doodu ka yar tahay 10 jirka, dabeecadoodana ka dhiga mid dhinaca qalloocan wax u aragta, aakhirkana dadka la collowda oo cuqdad ka qaadada dadka la nool.




Dr. Linda Pagani iyo Dr. Caroline Fitzpatric oo ka tirsan Jaamacadda Montreal ee dalka Kanada, ayaa sheegay in ubadka qiiqa sigaarka lagu cabbo qaata ay noqdaan kuwa dabeecaddu ka xumaato oo dagaal badan.




Qaadashada hawada qiiqa sigaarka ka soo baxa wasakhaysay ee ubadka yaryar hawada ay qadanayaan u raaca waxay halis ku tahay maskaxdooda.




Macluumaadkayaga oo aannu ku eegnay maskaxda 20,055 (laba kun, shan iyo kontan) carruur ah oo da’ ahaan hoos uga yar 10 jir, waxana laga waraysanayey guriga sida dabeecadoodu ku tahay iyo fasallada oo macalimiinta la waydiinayey in ay ka warbixiyaan.




Sidaa awgeed, waxa noo soo baxday in ubadka sigaarka inta badan lagu ag cabaa yihiin qaar dagaal badan oo dabeecad adag, ayey tihdi Dr. Pagani oo la hadlaysay wargeyska la yidhaa Epidemiology and Community Health.




Daraasaddan waxay ku salaysnayd khatarta qiiqa sigaarku u leeyahay aadamaha, isla markaana sababi kara in dadku cudurro halis ah ka qaadaan.




 




 




 




 




 




Diyaariye Askar




Gobanimonews.com