Muqdisho(GNA)-Qoyska iska leh dhaxaltooyada Maxamuud Hiraabe Yarrow oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey maxkamada sare ee dowlada Somalia iney si cadaalad daro ugu xukuntay dhul ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho shirkad lagu magacaabo Beder oo in muddo ah ay dacwad kala dhexeysay.
Cabdi Cabdulle Maxamed oo ka mid ah xubnaha qoyskan ayaa sheegay in dhulkaas oo ku yaala inta u dhexeysa wadada Shariif Calawi iyo mida 21-ka Oktoobar ee degmada War-dhiigley labada dhinacna ka xiga jidka warshadaha oo ka kooban yahay 204 Boos sifo cadaalad daro ah loogaga qaaday cid kale,
”Dhulkaas oo uu leeyahay Maxamuud Hiraabe Yarrow ayaa gacan dowladeed galay sanadkii 1974, hase ahaatee waa naloo soo celiyey iyadoo dowlada ay na siisay qoraalo ku saabsan arintaas oo lagu daabacay wargeyskii Xidigta Oktoobar ee waagaas jiray” ayuu intaa ku daray Cabdi Cabdulle Maxamed.
Cabdi ayaa intaas ku daray in markii ay dalka ka bilowdeen dagaalada sokeeye ay soo baxday shirkad lagu magacaabo Beder oo la sheegeneysa lahaanshaha dhulkaas kuwaasoo dacwado soo oogay, wuxuuna xusay in qoys ahaan ay dhulkaas u heystaan dokumenti rasmi ah (Damanyaale).
“Shirkadda Beder ee dhulkeena nagu heysata waxay dacwad geysteen maxkamada sare oo iyana iyadoo aan ka fiirsan iskana indho tirtay sharciga aan u heysano lahaanshaha dhulkaas si indho la’aan iyo cadaalad daro qaawan ah ugu xukuntay shirkada Beder” ayuu intaa ku daray Cabdi.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Cabdi Cabdulle Maxamed waxaa uu ku eedeeyey gudoomiyaha maxkamada sare Avv. Caydiid Ilkaxanaf inuu lacago laaluush ah ka qaatay shirkadda Beder oo uu xusay iney dhulkaas u heystaan qoraalo been abuur ah oo lagu sameeyey qeybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha.
Cabdi Cabdulle Maxamed ayaa ayaa wax lala yaabo ku tilmamaay in maxkamada sare ay qaado dacwadaha ku saabsan muranka dhuleed oo uu xusay inuusan waajibaadkeeda ka mid aheyn, balse loogu talo galay iney kala saarto marka ay isqabsadaan madaxda iyo heyadaha dowlada.
“Madaxweynaha markii uu xilka qabanayey waxaa uu balan qaaday in dowladiisa ay umadda cadaalad ku maamuli doonto, waxaan ka codsaneynaa inuu arintan soo fara geliyo oo uu naga qabto Caydiid ilkaxanaf ummadana ka qabto xukunkiisa cadaalad darada” ayuu yiri Cabdi Cabdulle Maxamed oo ay garab fadhiyeen xubno badan oo ka tirsan qoyska sheeganaya in dhulkooda looga qaatay xukunka cadaalad darada ah.
Qoyskan ayaa goobta ay shirka jaraaid ku qabanyeen ku soo bandhigay dokumentiyo ay qaarkood ku saxiixan yihiin masuuliyiin uu ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Siyaad Barre, duqii hore ee Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle iyo madax kale oo sheegaya in dhulkaas oo markii hore loo qaatay dan guud laga maarmay loona celiyey muwaadinkii iska lahaa Maxamuud Hiraabe Yarrow.
Sidoo kale, waxaa goobtaas lagu soo bandhigay cadad ka mid ah wargeyskii xiddigta Oktoobar oo dowladii xiligaas jirtay ee marxuum Maxamed Siyaad Barre ay ku sheegtay in Maxamuud Hiraabe Yarrow loo celiyey dhul markii hore lagala wareegay ka dib markii laga maarmay.
“Waxaan isla tagnay anaga iyo shirkadda Beder maxkamada Racfaanka, sanadkii 2012-ka maxkamada dhulkeena wey noo difaacday ka dib nimanka iska leh shirkada Beder waxay racfaan u qaateen maxkamada sare, Caydiid ilka xanaf ayey laaluush siiyeen dhulkeeniina si cadaalad daro ah ayuu iyagii ugu xukumay” sidaas waxaa tiri haweeney ka mid ah dhaxatooyada Maxamuud Hiraabe Yarrow.
Abuukar Rooble oo sheegay inuu ka mid yahay dhaxaltooyada Maxamuud Hiraabe ayaa sheegay isna sheegay in haddii dowladda Somalia ay cadaalad ka waayaan, madaxda dalkana waxba ka qaban waayaan arintan ay ku dhiman doonaan difaaca hantidooda aysana ogolaan doonin in si xaq daro ah loogala wareego Dhagax kulu waxaa saacado badanku adhin kara nin TB qabo iyo nin dhul laga dhacay ayuu hadalkiisa uga baxay .
.
Ma jiro illaa hadda war ku saabsan eedeyntan oo ka soo baxay gudoonka maxkamada sare ee dowlada Somalia, hase ahaatee muranada la xiriira dhulalka la isku heysto ayaa mudooyinkan ku soo badanayey magaalada Muqdisho.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com