Pages

Saturday, October 5, 2013

Muslimiinta Burma oo markale weeraro lagu qaaday


(GNA) Kooxo Budhiis ah ayaa weeraro ku qaaday xaafad ay daganaayeen muslimiinta tiradayar ee dagan wadanka Burma/ Myanmar
gobalka ay daganyihiin ee Rikane
Weeraradan ayaa socday sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaana la xaqiijiyey in ay kooxaha Budhiiskun gubeen  boqolaal guryo iyo masaajido ah oo ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah.




Dowlada Myanmar ayaa lagu eedeeyey inay indhaha ka xidhatay wax ka qabashada weerarada lagu qaadayo dadka muslimiinta ah.




Horey ayey weerar noocaan ah sanadihii lasoo dhaafay uga dhaceen dalkaasi Burma balse shaqaaqooyinka sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa ahaa kuwii ugu xumaa oo bilihii lasoo dhaafay dhacay.




Diyaariye:Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com