Pages

Friday, October 11, 2013

Dalalka Yurubta Galbeed Oo Ka Deyrineysa In Si aada Looga Beeray Geedka Laga Farsameeyo Xashiishada Morawiinta


(GNA) Bilayska Dalka Danmak ayaa gacanta Ku digay ragg asal ahaan ka soo jeeda dalka vietnam oo si qarsoodiya ugu beeray xashiishada morowiinta.




dadka lagu qabtay falkaa tiradoodu gaadheysaa ilaa 20-rux iyo qalab sheeybaadha ah oo dhan ilaa 30- sheybaadh oo u sahli jiray in ay ku fiiltar gareeyaan




Danmak ugadaheeda ayaa si weyn loogu beeraa. halista mukhaadaraadka ayaa aad ugu soo batay dalka danmak waxaa sidaa sheegay madaxa xarunta guud ee baadhista danbiyada ee dalka danmak Dr:Nyhder.




Warbixin uu diyaariyay bilayska yurub(Europl) ayaa qeexday in beerista geedka Cannabis ay aad ugu soo badaneyso dalalka Danmak, Jarmalka ,Sweeden, Ingiriiska Holland, iyo Norway.




waxaa aad looga deyrinayaa in ay noqoto dalalka yurubta galbeed hayga mukhaadaraadka waxa kale oo la aamin san yahay in ay usoo wareegeen dalalkaa yurub ganacsatadii daroogada ee dhawaan lagula dagaalamay dalal ka mida ah qaarada latin ameerika sida colombia Barziil iyo wadamo ka mid ah qaaradaa.




boliska yurub( Europl) ayaa sheegay in dalalka ingiriiska iyo Holland ay sicaadiya ay utaalo seyladah wadamadaa.




xashiishada ayaa markii hore yurub loo soo galinjiray si koontarabaan ah imikana waxaa ay warbixintu sheegeysaa in lagu dhexbeero wadamadaa badankoodu geedka Cannabiska kaas oo ah ka laga farsameeyo xashiishada morrowiin.




Diyaariye"Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com