Pages

Friday, October 11, 2013

Madaxweyne Siilaanyo muxuu kala soo laabtay Turkiga?Akhri Warbixin faahfaahsan.


Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inay dawladda Turkiga ku qanciyeen in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo kala madax banaan.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu maanta ka jeediyay Madaarka Hargeysa ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal toban maalmood qaatay oo uu ku tagay dalka Turkiga.




“Waxaanu marti-qaad ugu maqnayn dalka Turkiga oo ay naga dhaxayso saaxiibtinimo balaadhan iyo taariikh.dalkaasi dadkii aanu kula kulanay waxa ugu mudnaa Raysal wasaaraha Turkiga, ku xigeenkiisa iyo Wasiirradiisa. Waxaynu nahay labada dal oo taariikhi ka dhaxayso oo arrimo badan wada qabsan kara.”




“Waxaanu ku qancinay Turkiga In Innaga (Somaliland) iyo Soomaaliya aanu nahay laba dal oo walaalo ah, hase yeeshee madax-banaanidayada iyo gooni isu taagayo aanu ahayn wax aanu cid la wadaagi karno ama cid ka tallo gelin karno ee ay tahay madax-banaani buuxda. Aanu is aragno oo aanu meel kasta kula kulano hase yeeshee ay qaddiyadayadu tahay madax banaani buuxda,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.




Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay Madaxda Turkiga kala hadleen sidii labada dal isu dhaafsan lahaayeen laba xafiis, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu ka wada hadlay inaanu Hargeysa iyo Turkiga ay labada dal ka kala furtaan laba xafiis oo ka shaqeeya dannaha labada dal.”




“Waxaanu marti qaad u fidinay inay socdaal ku yimaadaan Somaliland, waxaana iman doona dalka wakhti munaasib ah Raysal wasaare ku xigeenka Turkiga,”ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas ku daray :Turkiga waxaanu ku soo arragnay inuu yahay dal weyn oo awood leh oo diyaar u ah inaynu wax wada qabsanno. Waanna dal niyadsami farro badani ka muuqato oo diyaar u ah innuu innagga (Somaliland) iyo dalal badan oo kaleba khaasatan Afrika diyaar u ah inuu u soo jeedsado.”




Madaxweynuhu waxa uu caddeeyay inay qaran ahaan diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan maalgasheyaasha, waxaanu yidhi “Innaguna (Somaliland) waxaan diyaar u nahay inaynu ka faa’iidaysanno fursadaha inoo yimaadda oo aynu dadkaasi si sharafleh u soo dhawayno oo aynaan la iman waxyaabo magac xumo ah oo aynu soo jiidanno baayac-mushtarkooda iyo kuwa maal-gashiga dponayaba.”ayuu yidhi.




Weftiga madaxweynaha waxa xubno ka ahaa Marwadda madaxweynaha, Wasiirrada Arrimaha dibadda, Ganacsiga iyo maal-gashiga, Macdanta iyo Tamarta iyo xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.




Dawladda Turkiga ayaa si weyn isha ugu haysa sidii ay saameyn dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ugu yeelan lahayd Geeska Afrika.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com