(GNA) Daraasad ayaa daaha ka rogtay in hurdadu qayb mugleh ka ciyaarta caafimaadka biniaadamka,Hurdada waqti dheer la seexdo ee saacadaha badan ah iyo hurdada wakhtiga yar ee gaabanba waa khatar caafimaad sidaasi waxaa qoray wargeyska Dailymail.
Kuwa seexda wax ka yar Lix saacadood waxa ay halis ugu jiraan in uu asiibo wadno xanuun,macaanka,walwalka iyo in uu daciifo jidh ahaan iyo maskax ahaanba, uuna noqon waayo qof firfircoon oo howlihiisa si wanaagsan u guta.
Daraasadani oo lagu sameeyay ilaa 50,000 oo qof ayaa sheegaysa in dadka seexda waqtiga dheer ama watiga yar aan ka badbaadaynin xanuunada Macaanka,Wadnoxanuunka,xanuunada dhibirka ku dhaca iyo jidhka oo daala.
Daraasadani ayaa sheegaysa in baadhayaashu ku andacoonayaan in hurdada dheer aysan marnaba u fiicnayn cunaha,Machadka Maraykanka ayaa helay in dadka hurdada dheer seexdaayi uu inta badan ku dhaco xauunka Macaanka,dhaawac maskaxda.
Siddo kalena daraasadani ayaa amaantay dadka hurdada fiican seexda in ay ka badbaadaan xanuuno badan,isla markaana jidhkoogu ku mashquulsanaynin in uu khalkhal caafimaad daro ah uu abuuro.
Khubarada ayaa sheegtay in baahida hurdada dadku qofba in ay tahay sida:
Caruurta Baby wuxuu seexan karaa ilaa 16saacadood
Tobanjirka ilaa iyo 18-jirka waxay seexan karaan ilaa 9saacadood.
Dadka qaangaadhka ahna waxa lagu sheegay 7-8 saacadood in ay ku filan tahay.
Ugu dambayntii daraasadani ayaa ka digtay in dadka hurdada yaraysta ama dheeraysta in ay khatar ugu jiraan in uu khalkhalo difaaca jidhkoogu isla markaana jidhku uu horumariyo in uu asiibo xanuunka Kansarka naasaha ku dhaca.
Khuburada ayaa ku doodaysa hal habeen oo hurdadu kaa xumaato in jidhku khalkhal galo oo Hormoonadu soo saaraan orexin taasi oo kordhisa baahida aad cuntada u qabto isla markaana baauur jidhkaaga qarisa.
Gabogabadii culimadani ayaa dadka uga digaya hurdo la,aanta habeenkii in ay tahay masiibo weerar ku haysa caafimaad insaanka,sidoo kalena ay keeni karto xanuuno halisa ah.
Diyaariye"Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com