Pages

Saturday, October 12, 2013

SL: Daahir Rayaale oo San-qadh tirasho ku soo Guryo noqday iyo Xulafadiisii siyaasadda oo ku war-helay Imaanshihiisa, qaarna Wasiirnimadu hawshay


Hargeysa(GNA)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa Maanta ku soo laabtay dalka, ka dib mudo sanad ku dhow oo uu dibadaha kaga maqnaa.




Daahir Rayaale, ayaa Sanqadhyaraan kaga soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ayaanay cidi ka soo dhaweyn Xulafadiisii Siyaasadda ee xiligii uu xukunka hayay iyo xubnihii ay isugu dambeeyeen Xisbigii UDUB ee xukuumadiisii ka dib bur-buray.




Waxaana taa sababteeda lagu sheegay inaanay badankoodu ka war haynin imaanshiyihiisa, wax war gelin ahna aannu soo siin, intii aanu soo bixin, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Ragii ay isugu dhawaayeen dhanka siyaasadda.




Dib u soo noqoshadiisa waxa ku wehelinaysay Marwadiisa Hudda Barkhad Aadan, waxaaanay ka soo kicitimeen dalka Faransiiska oo ay ku noolaayeen tan iyo markii uu talada wareejiyay.




Daahir Rayaale Kaahin ayaa Masraxa siyaasadda ka maqnaa tan iyo bilowgii sanadkii 2012-ka mar uu ka hadlay arrimaha wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, xiligaasoo ugu dambeysay ka hadalka warbaahinta.




Looma aanayn karo imaanshiyihiisa arrimo siyaasadeed oo saamayn waddanka ku leh, balse waxa la sheegay inuu si shakhsi ah oo aan waxba ku lamaaneyn u yimi, waxaana xusid inaanu ilaa hada warbaahinta ka hadal, cadeynina arimahaasi.




Daahir, ayaa intii buuqa Xisbigiisii UDUB taagnaa saaxiibo badan ku lumiyay go’aanadii uu ka qaatay Khilaafkii udub, waxaana ka mid ahaa dadkii ay aadka u kala fogaadeen Madaxweyne ku-xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin.




Dadka arrimaha siyaasadda ka faalooda ayaa ku sifeeya Nin Qunyar socod ah oo aan dhinaca mucaaridada iyo la socodka asxaabta ku foogan ku wanaagsanayn, taasina waxa la leeyahay waa ta sababta inuu xiligan aad ugu sii dhawaanayo dhinaca Xukuumadda.




Xubno ka mid ah dadka aadka ugu dhadhow ayaa Gobanimonews u tibaaxay in Daahir Rayaale si weyn ugu Hamranayo Xukuumadda oo uu iska ilaalinayo inay dareen mucaarid ka qaadato.




Marka dib loo eego Miisaanka uu waddanka ku leeyahay iyo saameynta hoose ee uu isugu biyo shubtay,kama muuqdo damac siyaasadeed oo uu dib ugaga soo laabanayo siyaasadda, balse marka arimahaasi laga hadlayo waa Nin wali u dihin inuu marar dambe oo kale hunguri ka galo hogaaminta dalka.




Hadii ay taasi jirto, waxa muuqata inuu Xisbiyada Mucaaridka ah ama Xisbi xaakimka mid uun galo-galaysi la sameeyo xiligan kala guurka laga soo gudbay ee saddexda xisbi dalka u soo baxeen.




Waxaana dhici karta inay xisbiyada laftoodu Siyaasigan xidhiidh la sameeyaan, si ay uga faa’idaystaan Khibrada siyaasadeed ee uu kasbaday intii uu dalka hogaaminayay, isla markaana uu muuqaal ahaan u wanaajiyo istaraatijayda ay ugu ordayaan Xukunka waddanka.




Si kastaba ha ahaatee Daahir Rayaale kaahin oo dadka badankiisu xiligan dib u gocday inuu hogaamiye wanaagsan ahaa, isla markaana isagoo aan wax badan ka sii maqnayn xukunka, xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dib u bililiqaystay madaxdii la shaqayn jirtay, ayaa sumcad badan ku helay fursad badan oo ay xukuumadda madaxweyne lumisay.




Waxaana fursadahaasi ka mid ah inay Bulshada Ilowsiin kari wayday dhaliilihii ay Xukuumaddiisii ku sheegi jirtay iyo inay dayacday isku duubnidii shacbiga Gobolada dalka oo ay ku soo kordheen khilaafaad maxali ah oo dhinacyo badan saameyn ku yeeshay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com