Tuesday, October 8, 2013

Addis-ababa: Diblo-maasi 57 Jir ah oo Maanta Madaxweynaha Itoobiya loo Doortay.Warbixin


Addis-ababa(GNA)-Dalka Itoobiya ayaa Maanta oo Isniin ah yeeshay Madaxweyne cusub oo Diblomaasiya.








Mulatu Teshome Wirta ayaa loo doortay Madaxweynaha lixda sanadood ee soo socda ee dalka Itoobiya.




Xildhibaannada labada aqal ee Itoobiya ayaa u codeeyay Danjire Teshome oo ah 57-jir siyaasadda ku jiray muddo dheer,xilal wasiirnimo iyo dan0jirenimana ka soo qabtay dalkaasi.




 “Baarlamaanka sare iyo midka hoose ee dalka Itoobiya waxay madaxweyne u doorteen maanta oo Isniin ah dajire Malatu Teshome,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.




Doorashada madaxweynaha cusub oo ahayd mid gacan-taag ah ayaa waxaa lagu doortay cod aqlabiyad ah, waxaanu  bedeli doonaa ninkii ka horeeyay ee Girme Wolde Giorgis oo ahaa 88- jir ah 12-sano madaxweyne ahaa.




Girme Wolde ayaa xilka madaxweynimo loo doortay sannadkii 2001, isagoo mar kale xilka qabtay  sannadkii 2007-dii, mudadaasoo ah laba xili,




Madaxweynaha cusub, ayaa kasoo jeeda qowmiyada Oromada oo ka mid ah qowmiyadaha dalka Itoobiya ugu badan, Kursiga madaxweynahana inta badan qaadata.




Danjire Mulatu Teshome ayaa horay u soo noqday Wasiirka Beeraha ee Dawlada Federaalka Itoobiya, dajiraha Itoobiya ee dalalka Japan iyo Shiinaha.




 Hadal  uu ka jeediyay labada gole dhaarintiisa kaddib ayuu ku sheegay inuu  aad ugu faraxsan yahay xilka madaxweynenimo ee loo doortay, isagoo ballan-qaaday inuu shacabka Itoobiya oo dhan ugu shaqeyn doono si daacad ah.




Sida uu dhigayo Nidaamka Dastuuriga ah ee Itoobiya awoodda maaxweynaha dalka ayaa ah mid aad u kooban, waxaaa ka awood badan ra’iisul wasaaraha, iyadoo  labadaba ay soo doortaan xubnaha labada aqal ee Baarlamanka wadankaasi .




Mulatu Teshome ayaa ka mid noqonayaa= madaxweynayaashii soo mara Itoobiya tan iyo markii xukunka laga tuuray nidaamkii Boqortooyada ahaa Col. Mingistu Hailemariam sannadkii 1991-kii.




 Dalka itoobiya ayaa ka mid ah waddamada ugu miisaanka weyn Mandaqada Bariga Afrika, waxaana ku nool in ka badan 70 Milyan oo qof oo ka soo kala jeeda qoomiyaddo tiro badan.




Siyaasad ahaan nidaamka dawliga ah ee dalka ayaa ah mid Federaal ku dhisan, waxaan dawladda dhexe ee Federaalka hoos yimaada ilaa sagaal Ismaamul hoosaad oo ay ku jirto dawlad deegaanka Somalida Itoobiya oo xaruntiisu tahay Magaalada Jig-jiga.




Dalkan Maanta madaxweynaha cusub yeeshay ayaa ka mid ah waddamada ugu faraha dhuudhuuban Arrimaha Somaliya iyo guud ahaan Geeska afrika, waxaanu madaxweynaha cusubi waajihi doonaan jawi siyaasadeed oo ka degen xiliyadii hore oo mandaqada ka jira, kaasoo inkasta oo ay awoodda uu ku saameyn karaa xadidantahay, hadana mar walba door ku yeelan doono arimaha ka socda.




Taasoo dadka arrimaha siyaasadda ka faalooddana ka saadaaalin karaan inuu kaga xarakaad roonaado Madaxweynaha xilka ku wareejinaya oo aan aad uga dhex muuqan arrimaha siyaasadda ee dalkiisa muddo dheerba inta la xasuusto, maadaama Mulatu Teshome uu  yahay Nin diblo-maasi ah oo da’  ahaana sii tamarin kara.




Gobanimonews




Addis-ababa Office




Email: editor@gobanimonews.com