Tuesday, October 8, 2013

SL: Warbaahinta Online-ka ah oo Shir ay Maanta yeesheen go’aamo ka soo saaray


Hargeysa (GNA)-Mareegaha Internet-ka ee Somaliland ayaa maanta shir ay ku yeesheen magaaladda Hargeysa waxay ka soo saareen  Go’aamo ka kooban 8 qoddob.




Xubno ka mid ah Mulkileyaasha iyo Wakiiladda Warbaahinta Internet-ka ayaa ka qayb-galay kulankaasi oo looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa isku xidhnaanta Hay’adahan iyo Xirfadleyaasha ka shaqeeya.




Kulankaasi oo ay goob-joog ka ahaayeen wakiilo ka kala socday dhawr iyo toban Hay’adood oo ku warama Luuqada somaliga iyo Ingiriisiga, ayaa laga soo saaray war-saxafadeed ay si wada jir ah u soo saareen, kaasoo u dhignaa sidan:-




 “Shabakadaha Internet-ka ayaa shir ay maanta 07/10/2013 ay ku yeesheen Magaaladda Hargeysa waxay ku falan-qeeyeen qoddobo muhiim ah oo la xidhiidha  gudashada waajibaadkooda shaqo ee ay bulshadda u hayaan isla markaana ay u noqon lahaayeen qaar ilaaliya dhawrsanaanta  iyo dhex-dhexaadnimadooda mihnadoodu farayso.




Waxa shirkan ay wakiiladda mareegaha iyo xubno ka mid ah mulkiileyaasha shabakaduhu, Wasiirka Warfaafinta u soo jeediyeen inuu kaalin ka qaato sidii ay u noqon lahaayeen mareeguhu qaar dhisma oo xukuumaddu ay ula dhaqanto sida warbaahinta kale ee dalka.




Dood dheer ka dib waxa  suxufiyiinta mareeguhu ay soo saareen qodobadan:-




1)      Waxaanu soo dhawaynaynaa Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo aanu u arragno inuu yahay  qofkii ku habboonaa oo loo dhiibay xilkii iyo masuuliyaddii uu xirfadda u lahaa. Waxaanu  aaminsan nahay inuu yahay masuul ka jibo keeni kara masuuliyadda culus ee wasaaradda iyo wada shaqaynta togan ee saxaafadda guud ahaan mid madax banaan iyo mid dawli ahba.




2)      Waxaanu  Taageersan nahay kulankii uu Wasiirka Warfaafintu la yeeshay shabakadaha Internet-ka  24-kii  July 2013-kii. Waxaanu noqday Wasiirkii u horreeyay ee wasaaradaas soo mara ee kulan la yeesha shabakadaha Internet-ka.waxaanan ku baaqaynaa in kulammada noocaas ahi noqdaan qaar joogto ah.




3)      Waxaaanu balan-qaadaynaa inaanu baahinno warar sugan oo dheeli-tiran.




4)      Waxaanu caddaynaynaa inaanu la shaqayn doono oo baahin doono wararka  Xukuumadda Somaliland iyo axsaabta mucaaridka ah ee dalkaba.




 




5)      Waxaanu iska xil saari doonaa inaanu ka feejignaano waxyaabaha caqabada ku noqon kara nabadgelyadda, horumarka dhaqaalaha, iyo wada jirka  reer Somaliland.




6)      Waxaanu Wasiirka Warfaafinta ku boorrinaynaa inuu kaalin weyn ka qaato sidii mareegaha Internet-ku ay u noqon lahaayeen qaar hela xuquuqda warbaahinta kale oo aan laga takoorin wararka iyo shirarka jaraa’id ee masuuliyiinta xukuumadda.




7)      Waxaanu xukuumadda u jeedinaynaa Xukuumadda iyo wasaaradda warfaafinta u soo inay ansixiso oo aqoonsato ururka mareegaha Somaliland ee (SOA).




8)      In Wasiirku shabakadaha internet-ka u raadiyo tababaro kor loogu qaadayo xirfada suxufiyiinta ka hawl gala mareegaha Internet-ka oo noqday warbaahin dhamaystiran oo koobsatay (maqal,muuqaal iyo qoraalba).”




 




ALLAA MAHAD LEH




 




1)- Hadhwanaag




2)-Caynaba




3)-Oodweyne




4)-Somalilandtoday




5)-Somali diaspora




6)-Gabiley




7)-Berberanews




8)-Hargeisapress




9)-Caroog




10)- Araweelo




11)-Somalilandpress




12)-Burco Online




13)-Horseednews




14)-Ramaas




15-Gobanimonews




16)-Geestiir




17)- Xoriyonews




18)-Halgannews




19)Togdheernews




20)-Badbaado




21)-Somaliland.Org




22)-Dhaymoole




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com